<

Home » Africa » Xulka Qaranka Cameroon oo gaaray Fiinaalka Tartanka Afrika kadib markii ay guul weyn ka gaareen Ghana & Isku Aadka Kulamada haray

Xulka Qaranka Cameroon oo gaaray Fiinaalka Tartanka Afrika kadib markii ay guul weyn ka gaareen Ghana & Isku Aadka Kulamada haray

Xulka qaranka Cameroon ayaa iska xaadiriyay Fiinaalka Koobka Afrika kadib markii ay guul weyn ka gaareen qaranka Ghana.

Ciyaar adag oo labada xul dhexmartay ayaa qaranka Cameroon, waxaa ay ku badiyieen 2-0 taas oo ka dhigan iney Fiinaalka koobkan ay mudo dheer kadib gaareen.

Daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta xulka Cameroon ayaa helay goolka koobaad waxaana udhaliyay Michael Ngadeu-Ngadjui, halka daqiiqadii ugu danbeysay ciyaarta uu goolkii labaad udhaliyay Bassogog

Xulka Ghana ayaa ku guul dareystay iney iska caabiyaan Cameroon, inkastoo ay iska qasaariyeen fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen, ciyaarta ayaana kusoo dhamaatay 2-0 oo ay guusha ku raacday xulka Cameroon.

Cameroon ayaa haatan fiinaalka koobkan la ciyaari doonta qaranka Masar kuwaas oo xalay rigoorayaal uga soo badiyay xulka Moraco.

Ghana iyo Burkina Faso ayaa ku tartami doona sabtida soo soocta kaalilnta sedexaad waana kulan si weyn loo sugayo.

Laakiin qaramada Cameroon iyo Masar ayaa fiinaalka tartankan isku arki doona, waana kulan xiiso badan oo la wada sugayo, waxaana ay ciyaari doonaan Axada oo ah 5-ta bisha.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xulka-qaranka-cameroon-oo-gaaray-fiinaalka-tartanka-afrika-kadib-markii-ay-guul-weyn-ka-gaareen-ghana-isku-aadka-kulamada-haray/">Xulka Qaranka Cameroon oo gaaray Fiinaalka Tartanka Afrika kadib markii ay guul weyn ka gaareen Ghana & Isku Aadka Kulamada haray</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *