<

Home » Horyaalada » Premier League » XOG RASMI AH: Chelsea oo Qorsheysay Xiddigaha Imaanaya Kooxda Dhamaadka Xili Ciyaareedkaan, Virgil van Dijk, Morata Iyo Moussa Dembele oo Ku Wajahan Stamford Bridge- Yaase Tagaya?

XOG RASMI AH: Chelsea oo Qorsheysay Xiddigaha Imaanaya Kooxda Dhamaadka Xili Ciyaareedkaan, Virgil van Dijk, Morata Iyo Moussa Dembele oo Ku Wajahan Stamford Bridge- Yaase Tagaya?

Chelsea ayaa diyaarisay durba qorshaha suuqa kala iibsiga ee xili ciyaareedka dambe si ay u difaacdaan Horyaalka Premier League oo ay ugu cadcadyihiin hadda.

Antonio Conte ayaa doonaya inuu ku guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii markiisii ugu horeysay ee uu ka shaqeeyo kubadda cagta Ingiriiska.

Laakiin arinta layaabka leh ayaa ah in uu waqti hore dajiyay siyaasadiisa suuqa kala iibsiga ee kooxda, iyadoo Chelsea ay dooneyso helitaanka ciyaartooy Horyaalka u difaaca.

Virgil van Dijk, Alvaro Morata iyo Moussa Dembele ayaa kamid ah liiska ciyaartooyda imaan doona kooxda Chelsea xili ciyaareedka dambe.

kooxda Stamford Bridge ayaan wax ciyaratooy ah lasoo wareegin bishii January, laakiin waxay sagaal dhibcood ay ku hayaan Hoganaka Horyaalka taasoo ku qasbeysa in Conte uu kasii fakiro qorshihiisa xili ciyaareedka dambe.

Waxaa jiri doona isbedel sidookale lagu sameyn doono ciyaartooyda kooxda, John Terry, goolhaye Asmir Begovic, Cesc Fabregas iyo Diego Costa ayaa dhamaan laga yaabaa in ay ka tagaan Chelsea dhamaadka xili ciyaareedkaan, taasoo ku qasbeysa Conte inuu raadiyo bedelkooda.

chelseaChelsea ayaa hore isaga iibisay Oscar ,Branislav Ivanovic iyo John Obi Mikel intii lagi jiray suuqa kilaalka Janaayo, tababare Conte ayaa doonaya in helo koox isku dheeli tiran oo uu ku difaacdo Horyaalka xili ciyaareedka dambe.

Chelsea ayaa haatan ugu cadcad saxiixa daafaca dhaxe ee kooxda Southampton Van Dijk, kaaso ay ku guuldareysten saxiixiisa kooxda Manchester City bishii January, halka Weeraryahanka Celtic Dembele oo habeenkii ugu dambeeyay suuqa ku guuldarestay baaritaanka caafimaadka markale ay u dhaqaaqi doonto Chelsea.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xog-rasmi-ah-chelsea-oo-qorsheysay-xiddigaha-imaanaya-iyo-kuwa-ka-tagaya-kooxda-dhamaadka-xili-ciyaareedkaan-virgil-van-dijk-morata-iyo-moussa-dembele-kusoo-wajahan-yihiin-stamford-bridge-yaase-ta/">XOG RASMI AH: Chelsea oo Qorsheysay Xiddigaha Imaanaya Kooxda Dhamaadka Xili Ciyaareedkaan, Virgil van Dijk, Morata Iyo Moussa Dembele oo Ku Wajahan Stamford Bridge- Yaase Tagaya?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *