<

Home » Horyaalada » Premier League » XASAASI: Waa Maxay Rikoorka uu Giroud maanta ka sameeyay Kulanka ay Arsenal la ciyaareyso Burnley

XASAASI: Waa Maxay Rikoorka uu Giroud maanta ka sameeyay Kulanka ay Arsenal la ciyaareyso Burnley

Olivier Giroud ayaa maanta saftay kulankiisii 150-aad ee horyaalka Ingiriiska isagoo usaftay kooxdiisa Arsenal kulanka ay la ciyaareyso naadiga Burnley.

Weeraryahanka reer France ayaa  Montpellier uga soo biiray Arsenal sanadkii 2012, waxaana uu udhaliyay 92 gool waqtigiisii naadiga waqooyiga London ka dhisan, xili ciyaareedkan ayuuna 11 kamid ah dhaliyay.

Giroud ayaa sidoo kale shabaqa soo taabanayay sagaalkiisii kulan ee ugu danbeysay ee uu usafto kooxdiisa Arsenal dhamaan kulamadan.

30-jirkaan ayaa dhawaan kooxdiisa usaxiixay heshiis uu mudo dheer ku joogayo Arsenal isaga iyo labada ciyaaryahan ee kale oo kala ah Laurent Koscielny iyo Francis Coquelin.

gfx-giroud_1ev7p1izwdqkb1wlemuey61r3t

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-waa-maxay-rikoorka-uu-giroud-maanta-ka-sameeyay-kulanka-ay-arsenal-la-ciyaareyso-burnley/">XASAASI: Waa Maxay Rikoorka uu Giroud maanta ka sameeyay Kulanka ay Arsenal la ciyaareyso Burnley</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *