<

Home » Horyaalada » Premier League » XASAASI: Steven Gerrard oo Liverpool uga tacsiyeeyay Guuldaradii Swansea una sheegay iney iska Hilmaamaan Horyaalka

XASAASI: Steven Gerrard oo Liverpool uga tacsiyeeyay Guuldaradii Swansea una sheegay iney iska Hilmaamaan Horyaalka

STEVEN GERRARD ayaa shaaca ka qaaday iney adag tahay in kooxdiisii Liverpool ay ku adagtahay iney ku guuleystaan horyaalka Ingiriiska kadib guuldaradii 3-2 aheyd ee  Swansea ugu geysatay Anfield.

Naadiga Reds ayaa  2-0 lagu hogaaminayay bilowgii qeybtii danbe ee ciiyaarta waxaana labadaas gool ka dhaliyay Fernando Llorente, laakiin Roberto Farmino ayaa daqiiqado kadib usoo bar bareeyay labadaas gool,  waxaase rajadii Liverpool meel xun dhigay  Gylfi Sigurdsson kaas oo Swasea ku hogaamiyay guusheedii ugu horeysay ee Anfield mudo dheer kadib.

Gerrard aa mid ku adag Liverpool iney ku tartanto hanashada horyaalka Ingiriiska, waxaana ay aheyd mid aan mudo dheer dhicin iney ku dhibtootay kulankii Swasea oo ah koox ka carareysa heerka labaad”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Gerrard yiri “Sidoo kale markii aan ciyaari jiray, mar walba oo aan udhownahay horyaalka waxaa na qabsan jirtay dhibaato waliba kooxaha yar yar ah”.

“Liverpool waa ay ogaan doontaa, qolka labiskana waxaa uu geli doonaa jawi kale, waana arki doontaan wajiga Jurgen Klopp, waxeyse aheyd  lama filaan weyn maxaa yeelay waa kulan aan ku tashaneynay sedexda dhibcood.”ayuu yiri Gerrard.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-steven-gerrard-oo-liverpool-uga-tacsiyeeyay-guuldaradii-swansea-una-sheegay-iney-iska-hilmaamaan-horyaalka/">XASAASI: Steven Gerrard oo Liverpool uga tacsiyeeyay Guuldaradii Swansea una sheegay iney iska Hilmaamaan Horyaalka</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *