<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » XASAASI: Sergio Busquets oo bareelo looga qaaday garoonka Kulankii EIBAR & Barca oo war kooban kasoo saartay

XASAASI: Sergio Busquets oo bareelo looga qaaday garoonka Kulankii EIBAR & Barca oo war kooban kasoo saartay

Qadka dhexe ee kooxda BARCELONA  Sergio Busquets ayaa bareelo looga dhex qaaday garoonka bilowgii kulankii ay kooxda Barca ka badisay naadiga Eibar.

Barcelona ayaa 4-0 kaga badisay Eibar iyadoo Deniz Suares, L.Messi, L.Suarez iyo Neymar ay shabaqa soo taabten kulankaas.

Hase ahaatee daqiiqadii shanaad ee ciyaarta ayaa shaqaalaha caafimaadka ay bareelo ku qaadeen qadka dhexde ee reer Spain  Sergio Busquets kaas oo dhaawac uu kasoo gaaray anqowga.

War kooban oo lasoo dhigay barta Twitter-ka Barcelona ayaa lagu yiri ” Sergio Busquets ayaa dhaawac uu kasoo gaaray anwoga kadib markii uu kubad kula loolamay Escalante, waxaana laga saaray garoonka iyadoo lagu badalay Denis Suarez.

Barcelona ayaa waxaa horey dhaawacyo uga maqnaa ciyaaryahano uu kamid yahay kabtanka kooxdaas Andres Iniesta.

yjhrkwomrpgdj113sjlc_busqyets

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-sergio-busquets-oo-bareelo-looga-qaaday-garoonka-kulankii-eibar-barca-oo-war-kooban-kasoo-saartay/">XASAASI: Sergio Busquets oo bareelo looga qaaday garoonka Kulankii EIBAR & Barca oo war kooban kasoo saartay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *