<

Home » Horyaalada » Premier League » XASAASI: Mourinho oo sheegay in kulankii Hull City uu 1-1 kusoo dhamaaday, Muxuuse ka yiri Fiinaalka Southampton & Awoodii Hull City

XASAASI: Mourinho oo sheegay in kulankii Hull City uu 1-1 kusoo dhamaaday, Muxuuse ka yiri Fiinaalka Southampton & Awoodii Hull City

Jose Mourinho ayaanan aamisaneyn in kooxdiisa Manchester United ay guuldaro kala soo laabatay naadiga Hull City kadib kulankii ay xalay la ciyaareen.

United ayaa gaartay Fiinaalka League Cup-ka inkastoo guuldaro 2-1 ah ay kala kulmeen Hull City waxaana shabaqa soo taabtay Tom Huddlestone iyo Oumar Niasse oo Hull City ah iyo Paul Pogba oo United ah, waxaana ay taas soo gaba gabeysay 17 kulan oo aan laga badin kooxda macalin Jose

Mourinho oo tartankan sedex mar kusoo guuleystay ayaa fiinaalka la ciyaari doona kooxda Southampton  February 26-keeda.

Mar la weydiiyay iney ugu cad cad yihiin koobkan ayuu Mourinho yiri “Ilama ahan inaan cidna ugu horeyno hanashada tartankan, muhiim ma ahan kooxda naga soo horjeeda, waligeena ma yeelan koox aan jecelnahay iney naga hor timaado, caadi ahaan garoonka waa dabeyl waana mid adag”

Mourinho ayaase sheegay in kooxdiisa aan laga badin kulankii Hull City, kaliyana uu arkayay hal gool oo laga dhaliyay iyo goolkii ay dhaliyeen “Waan faraxsanahay. waxaana ay ila tahay in rikoorkii 17 kulan oo guuldaro la’aan ah ay aheyd mid cajiib ah, laakiin ma aanan guul dareysan, waxaan arkay oo kaliya goolkii Pogba, iyo goolkoodii kaas oo ahaa mid cajiib ah oo ficil cajiib ah iyo karoos cajiib ah lagu keenay.”

United ayaa ka hadlay in kooxdiisa laga dhaliyay rigoore qeybtii hore ah taas oo uu ka xumaaday tababaraha reer Portugal, markii uu garsoore Jon Moss, Hull ku abaalmariyay rigooradii goolkii koobaad

“Ciyaarta waxaa gabi ahaanba koontaroolayay anaga, waxaana ay aheyd waxii aan dooneynay, wax ayaana dhacay bilowgii ciyaarta kulankan wax furan ayuu noqday”ayuu yiri Mourinho

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Laakiin Tababaraha Hull Marco Silva waxaa uu sameynayay shaqo cajiib ah waxaana ay labadii kulan ee aan la ciyaarnay ay ahaayeen kuwa aad u wanaagsan, anaga ayaa ka awood badneyn, waxaana aheyn kooxdii wanaagsaneyd waxaana ay aheyd inaan kulankii koobaad ku badino goolal badan”.

Ugu danbeyn Mourinho ayaa yiri “waxaan u hambalyeeyay ciyaaryahanadeda, mana doonayo inaan falanqeyn ku sameeyo qaab ciyaareedkoodii kulanka.”

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-mourinho-oo-sheegay-in-kulankii-hull-city-uu-1-1-kusoo-dhamaaday-muxuuse-ka-yiri-fiinaalka-southampton-awoodii-hull-city/">XASAASI: Mourinho oo sheegay in kulankii Hull City uu 1-1 kusoo dhamaaday, Muxuuse ka yiri Fiinaalka Southampton & Awoodii Hull City</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *