<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » XASAASI: Morata In Benzema Out: Taageerayasha Real oo soo xushay Shaxda ay Real kala hortagi karto Celta Vigo

XASAASI: Morata In Benzema Out: Taageerayasha Real oo soo xushay Shaxda ay Real kala hortagi karto Celta Vigo

Wargeyska AS ayaa bogooda Online-ka ee  AS.com waxaa uu ku sameeyay codeyn ay ku dooranayaan taageerayaasha Real Madrid iney soo doortaan shaxda ay kooxdooda ku ciyaareyso kulanka Celta Vigo.

Real Madrid ayaa wajahaysa  Celta Vigo lugta labaad ee Copa del Rey xilli wiilasha Zidane kulankii hore looga badiyay 2-1.

Taageerayaasha oo diiday in Benzema laga garab ciyaarsiiyo Cristiano

 1485219207_551564_1485219715_noticia_normal

Taageerayaasha ayaan dooneyn in Benzema lagu soo bilaabo shaxda koobaad kulanka Celta Vigo, waxaana ay doonayaan in la iska garab ciyaarsiiyo Morata iyo C.Ronaldo.

Inkastoo Zidane uu kasoo tagay Varane, hadana taageerayaasha kooxda ayaa jeclaan lahaa in Varane, Ramos, Nacho iiyo Vazquez laga ciyaarsiiyo daafaca, halka goolhayaha ay ugu codeeyeen Casilla.

Sidoo kale taageerayaasha ayaa jeclaan lahaa in qadka dhexe ay kusoo bilowdaan Kovacic, Casemiro, Krooss iyo Isco, halka weerarkana ay doonayaan Cristiano Ronaldo iiyo Álvaro Morata.

1485219207_551564_1485219980_sumario_normal

Kaliya 7,212 cod ayuu heley Karim Benzema kaas oo booska keydka kasoo galay shaxdan ay jeclaan lahaayeen taageerayaasha kulanka Vigo.

Daafaca dhibtoonaya ee Danilo ayaa dhiiro gelin ka helay taageerayaasha kadib markii uu 6,677 oo cod helay, laakiin looguma codeyn inuu kusoo baxo shaxda koobaad.

Hadaba, Macalin Zidane miyuu ka jawaabi doonaa codeynta taageerayaasha kooxda ay sameeyeen kulanka arbacada.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-morata-in-benzema-out-taageerayasha-real-oo-soo-xushay-shaxda-ay-real-kala-hortagi-karto-celta-vigo-2/">XASAASI: Morata In Benzema Out: Taageerayasha Real oo soo xushay Shaxda ay Real kala hortagi karto Celta Vigo</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *