<

Home » Horyaalada » Premier League » XASAASI: Halyaygii L’Pool Gerrard oo Klopp ku qasbay inuu ka badiyo Chelsea – Muxuuse ka yiri Hadii Kulankaas uu Conte badiyo?

XASAASI: Halyaygii L’Pool Gerrard oo Klopp ku qasbay inuu ka badiyo Chelsea – Muxuuse ka yiri Hadii Kulankaas uu Conte badiyo?

Steven Gerrard ayaa aamisan in Liverpool ay qasab ku tahay iney garaacdo Chelsea kulanka talaadada ay la ciyaari doonto si ay u ilaaliso rajadeeda hanashada horyaalka.

Halyaygii kooxda Anfield ka dhisan ayaa aamisan in kooxdiisa kaliya ay wiilasha Conte la tartami karto hadii ay garoonkooda uga badiyaan Chelsea

Liverpool ayaa haatan 10 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka haysa kabtankii hore ee dhar gaduuda ayaana yiri “Hadii laga badiyo kulankaas waa ay uga dhamaatay tartankii ay horyaalka ugu jireen, taas ayaana ah sababta qof walba uu funaanada Liverpool uhaysan doono, maxaa yeelay Tottenham, Man United,  Arsenal iyo Man City waxaa ay fiirin doonaan rajadooda yar, horyaalka oo dhan ayaana ubaahan iney Liverpool badiso.”

main-chelsea-v-brentford-the-emirates-fa-cup-fourth-round

Falanqeeyaha BT Sport ayaa sidoo kale yiri : “Waan ogahay sida uu kulankan ugu yahay Liverpool mid weyn, maxaa yeelay farqiga laga sareeyo ayaa ah mid 10 dhibcood ah, laakiin waxaa qasab ah iney nafsadooda siiyaan rajo ah iney dhamaan dhibcaha kulankaas qaataan.

Gerrard ayaa shegeay in hadii Chelsea ay kulankaas badiso ay faa’ido weyn utahay “Wax walba oo kale oo garoonka ka dhaca waa faa’idada Chelsea, maxaa yeelay horyaalka ayay sii dheereysanayaan”

Kooxda Liverpool ayaa Chelsea kaga soo badisay garoonkeeda kulankii hore, laakiin wiilasha Conte ayaa jaanta isla helay waxii ka danbeeyay guuldaradas iyo guuldaradii kale ee Arsenal.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-halyaygii-lpool-gerrard-oo-klopp-ku-qasbay-inuu-ka-badiyo-chelsea-muxuuse-ka-yiri-hadii-kulankaas-uu-conte-badiyo/">XASAASI: Halyaygii L’Pool Gerrard oo Klopp ku qasbay inuu ka badiyo Chelsea – Muxuuse ka yiri Hadii Kulankaas uu Conte badiyo?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *