<

Home » Horyaalada » Premier League » XASAASI: Eden Hazard oo Ka wal-walsan In Horyaalka ay kula tartameyso Man United – Muxuuse ka yiri Arsenal, L’pool, Tottenham & City?

XASAASI: Eden Hazard oo Ka wal-walsan In Horyaalka ay kula tartameyso Man United – Muxuuse ka yiri Arsenal, L’pool, Tottenham & City?

Garabka kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha Manchester United iyo Arsenal ay yihiin kuwa ugu weyn ee ay xili ciyaareedkan ku tartamayaan horyaalka Ingiriiska

Naadiga Stamford Bridge ka dhisan ayaa haatan sagaal dhibcood ka sareysa labada koox ee kusoo xigta ee Totetnham iyo Arsenal

Liverpool iyo Manchester City ayaa sidoo kale kamid ah kooxaha kale ee sida weyn ugu tartamaya horyaalka Ingiriiska, Hazard ayaase dareensan in kooxda United ay qeyb ka tahay tartanka horyaalka.

“Waxaa ay ila tahay Arsenal iyo Manchester United ayaa ah kooxaha ugu waa weyn ee aan xifaaltano” xidigan ayaa sidaas usheegay Sky Sports.

“United waxaa ay natiijooyin xun la kulantay qeybtii hore ee horyaalka, waxaana ay ila tahay in kadib kulamadii ugu danbeeyay ay si wanaagsan uciyaarayaan, bar bardhicii Stoke ayaase xumeeyay, laakiin wali waxaa ay haystaan ciyaaryahano wanaagsan, tababare qibrad leh, marka waa ay imaan karaan kaalinta labaad ama sedexaad”ayuu yiri Hazard.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Hazard yiri “Tottenham sidoo kale waa ay xoogan tahay, waa ay naga badiyeen laakiin aniga ahaan  Manchester United ayaa ka wanaagsan, waana ay ka qibrad badan yihiin, taas waa fikirkeyga laga yaabee inaan qaldanahay”

Chelsea ayaa bar bardhac 1-1 ah la gashay Liverpool, waxaana ay sabtida soo aadan kulan adag la ciyaari doonaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Arsenal.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-eden-hazard-oo-ka-wal-walsan-in-horyaalka-ay-kula-tartameyso-man-united-muxuuse-ka-yiri-arsenal-lpool-tottenham-city/">XASAASI: Eden Hazard oo Ka wal-walsan In Horyaalka ay kula tartameyso Man United – Muxuuse ka yiri Arsenal, L’pool, Tottenham & City?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *