<

Home » Falanqeyn » XASAASI: Ciyaartoyda Arsenal oo la siiyey laba maalmood oo nasasho ah ka hor kulanka Chelsea Xili Antonio Conte Ciqaabayo Wiilashiisa

XASAASI: Ciyaartoyda Arsenal oo la siiyey laba maalmood oo nasasho ah ka hor kulanka Chelsea Xili Antonio Conte Ciqaabayo Wiilashiisa

Arsene Wenger ayaa siiyay ciyaartoyda Arsenal laba maalmood oo fasax ka hor kulanka ay la dheelayaan kooxda Chelsea sabtida sida ay sheegayaan wararka.

Gunners ayaa laga badiyay kulankii ugu dambeeyay oo ay qasaaro 2-1 kala kulmeen kooxda Watford.

Laakiin ka hor kulanka ay wajahayaan Hogaamiyaasha Premier League kaasoo ka dhacaya garoonka Stamford Bridge, The Times ayaa sheegtay in ciyaartoyda Arsenal lasiiyay laba maalmood oo fasax ah si ay isugu diyaariyaan kulanka Chelsea.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Antonio Conte shaqo adag uu udiray ciyaartooydiisa, iyadoo ciyaartoyda Chelsea maalin walba tababar adag ay qaataan.

LONDON, ENGLAND - JANUARY 31: Arsenal players show their dejection after Watford's second goal during the Premier League match between Arsenal and Watford at Emirates Stadium on January 31, 2017 in London, England. (Photo by Shaun Botterill/Getty Images)LIVERPOOL, ENGLAND - JANUARY 31: David Luiz of Chelsea celebrates scoring the opening goal during the Premier League match between Liverpool and Chelsea at Anfield on January 31, 2017 in Liverpool, England. (Photo by Clive Mason/Getty Images)

Wenger waxaa ka maqnaan doona kulankaas Aaron Ramsey oo dhaawac looga saaray kulankii ugu dambeeyay, halka Olivier Giroud shaki uu kujiro.

Gunners ayaa wajahaya kulankaan xili ay sagaal dhibcood ka danbeeyaan kooxda Chelsea, oo ciyaartii ugu dambeysay barbaro 1-1 ah la galay Liverpool habeenkii Talaadada.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-ciyaartoyda-arsenal-oo-la-siiyey-laba-maalmood-oo-nasasho-ah-ka-hor-kulanka-chelsea-xili-antonio-conte-ciqaabayo-wiilashiisa/">XASAASI: Ciyaartoyda Arsenal oo la siiyey laba maalmood oo nasasho ah ka hor kulanka Chelsea Xili Antonio Conte Ciqaabayo Wiilashiisa</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *