<

Home » Horyaalada » Premier League » XASAASI: Booliska London oo Xhaka ku haysta inuu Cunsurinimo ka geystay Garoonka diyaaradaha London

XASAASI: Booliska London oo Xhaka ku haysta inuu Cunsurinimo ka geystay Garoonka diyaaradaha London

Booliska ayaa baaritaan ku bilaabay Qadka dhexe ee kooxda Arsenal Granit Xhaka kadib markii cunsuriyayn ugeystay shaqaalo katirsan garoonka diyaaradaha ee  Heathrow Airport habeenkii isniinta

Xhaka, oo rooso la siiyay kulankii ay Arsenal 2-1 kaga badisay Burnley ayaa haatan la kulmi doona booliska si su\aalo looga weydiiyo falkii uu geystay..

Dhacdada Xhaka ayaa cunsuriyayn ka geystay garoonka diyaaradaha Heathrow gaar ahaan  Terminal-ka 5.

Xidiga qaranka Switzerland ayaa erayo cunsurinimo ah u adeegsaday xubin shaqaalaha ah, laakiin si rasmi ah uusan oran hadaladaas.

Sargaal uhadlay booliska ayaa yiri: “Booliska waxaa ay uyeereen 19:29hrs isniintii oo aheyd  23-kii January kadib markii uu aflagaado ugu geystay shaqaalo katirsan Heathrow Airport, Terminal-ka shanaad”

Laakiin xidigan ayaanan la xirin, “Ma la xirin, isaga ayaana si madax banaan utagay saldhiga booliska London, halkaas oo looga wareystay falkii u geystay, baaritaankana wuu soconayaa.”

Arsenal ayaanan wax jawaab ah ka bixin arintan, waxaana ay doonayaan in xaalkan uu si gaar ah uxaliyo ciyaaryahanka Xhaka.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-booliska-london-oo-xhaka-ku-haysta-inuu-cunsurinimo-ka-geystay-garoonka-diyaaradaha-london/">XASAASI: Booliska London oo Xhaka ku haysta inuu Cunsurinimo ka geystay Garoonka diyaaradaha London</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *