<

Home » Horyaalada » Bundesliga » XASAASI: Arturo Vidal oo Bilaabay Barashada Luuqada Ingiriiska Xili Lala Xiriirinayo Kooxda Chelsea

XASAASI: Arturo Vidal oo Bilaabay Barashada Luuqada Ingiriiska Xili Lala Xiriirinayo Kooxda Chelsea

Arturo Vidal ayaa u soo muuqday mid diirada u saaran tahay kooxda Chelsea xagaaga, waxaana kooxda ka dhisan London ay ku doneysaa £ 56million ciyaaryahanka reer Chile.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich oo 29 jir ah, ayaa bartilmaameed sare u ah kooxda Antonio Conte, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Chile.

Wargeyska Chile kasoo baxa ee El Mercurio ayaa sheegay in xubno kasocda kooxda Blues ay la hadleen Vidal oo hadda qaadanaya casharo Ingiriis ah.

Vidal ayaa Juventus £ 25.5 kaga dhaqaaqay laba sano uun ka hor, halkaas oo uu kula soo shaqeeyay macalin Conte oo guul badan la gaaray kooxda Tourin ka dhisan.

Conte oo macalin usoo ahaa ciyaaryahan Vidal muddo saddex sano ah oo u dhaxeysay 2011 iyo 2014, ayaa doonaya inuu markale usoo dhaqaajiyo kooxda Chelsea.

Vidal iyo Conte ayaa horay uu u sheegay midba midka kale, inuu jeclaan lahaa inuu la shaqeeyo markale taasoo isku soo dhaweyneysa labada ciyaaryahan.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-arturo-vidal-oo-bilaabay-barashada-luuqada-ingiriiska-xili-lala-xiriirinayo-kooxda-chelsea/">XASAASI: Arturo Vidal oo Bilaabay Barashada Luuqada Ingiriiska Xili Lala Xiriirinayo Kooxda Chelsea</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *