<

Home » Horyaalada » Premier League » KASHIFAAD: Antonio Conte oo ka Dhawaajiyay Magaca xiddiga kaliya ee kooxdiisa kusoo biiri kara Labada Maalin ee suuqa Ka harsan- Antoine Griezmann Ama Alvaro Morata?

KASHIFAAD: Antonio Conte oo ka Dhawaajiyay Magaca xiddiga kaliya ee kooxdiisa kusoo biiri kara Labada Maalin ee suuqa Ka harsan- Antoine Griezmann Ama Alvaro Morata?

Chelsea ayaa u qalanta xilli ciyaareedkan, in ay ku dhameysato kaalinta ugu sareysa Premier League laakiin Antonio Conte ayaa ka hadlay wax ku saabsan inuu keenayo Weeraryahan bishan January.

Suuqa kala iibsiga waxaa ka harsan Labo maalmood in la dhameystiro, Chelsea ayana ubadan tahay in ay sameyso saxiix kooxda lagu xoojiyo.

Macalinka Talyaaniga ayaa taageere sare u ah Alvaro Morata tan iyo xiddiga Spain uu joogay Juventus, weeraryahanka ayaana albaabka u garoonka Stamford Bridge waxaa markale ufuraya macalin Conte.

Morata ayaa ku dhibtooday inuu helo line-upka kooxdiisa tan iyo markii uu ku soo laabtay Real Madrid, iyadoo tababaraha hogaamiya kooxda La Liga Zinedine Zidane uu ka doorto Karim Benzema qeybta weerarka.

morataMorata ayaa u ciyaaray 18 kulan Real xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu sheegay inuusan aqbali Karin inuu sii fadhiyo kursiga keydka kooxda.

Waxa uu markii hore kaga tagay Bernabeu sabab la xiriirta la’aanta waqti uu ku ciyaaro , laakiin xaaladda ayaa kacday markii wakiilka ciyaaryahanka saxaafada uu u sheegay in ay tagayaan haddii Zidane uu sii ahaanayo macalin Real Madrid xili ciyaareedka dambe.

24-sano jirkan ayaa ku biiray Real Madrid xagaagii lasoo dhaafay kadib markii heshiis ku kacaya £ 23 million looga soo celiyay Juventus, inkastoo uu ku guuldareystay inuu soo jiito macalin Zidane.

Antonio Conte ayaa lagu wadaa in uu lacago waali ah kusoo xero geliyo weeraryahanka baxsadka ka ah garoonka Bernabeu maalmaha ka harsan suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Chelsea ayaa Real Morata siin doonta £ 60 million sida laga soo xigtay wargeyska kasoo baxa Madrid ee Marca lagu magcaabo.

Arsenal ayaa sidoo kale xiiseyneysa Morata, laakiin Blues ayaa kaga faa’ido badan in ciyaaryahanka lala wareego madaama ay adeegsaneyso macalinkiisii hore ee Juventus Antonio Conte.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-antonio-conte-oo-ka-dhawaajiyay-magaca-xiddiga-kaliya-ee-kooxdiisa-kusoo-biiri-kara-labada-maalin-ee-suuqa-ka-harsan-waa-kuma/">KASHIFAAD: Antonio Conte oo ka Dhawaajiyay Magaca xiddiga kaliya ee kooxdiisa kusoo biiri kara Labada Maalin ee suuqa Ka harsan- Antoine Griezmann Ama Alvaro Morata?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *