<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » XASAASI: Alvaro Morata Iyo Zinedine Zidane oo Isku Dhacay, Wakiilka Ciyaaryahanka oo Raadinaya koox Cusub Xili Arsenal & Chelsea Heegan kujiraan

XASAASI: Alvaro Morata Iyo Zinedine Zidane oo Isku Dhacay, Wakiilka Ciyaaryahanka oo Raadinaya koox Cusub Xili Arsenal & Chelsea Heegan kujiraan

Arsenal iyo Chelsea ayaa galay heegan sare ka dib markii Alvaro Morata wakiilkiisa uu sheegay in ay raadinayaan koox cusub.

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dhaceen tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane kadib markii uu waayay waqti uu ugu ciyaro kooxda.

Morata ayaa aaminsan in tababaraha kooxda Madrid uu khiyaameeyay islamarkaana uu kaga baxay ballamo uu ka qaaday markii uu kusoo biirayay kooxda.

24-sano jirkaan ayaa ku soo bilowday kaliya lix kulan oo horyaalka ah tan iyo markii uu kusoo laabtay kooxda Madrid, waxaana xitaa uu waayay boos uu ku ciyaaro xili uu dhaawac ku maqan yahay Gareth Bale.

idaacada Isbaanishka ee Cadena Ser, ayaa sheegtay in Morata uu doonayo inuu ka tago Bernabeu haddii Zidane uu si ahaanayo tababaraha kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Waxaa lagu wadaa inuu u dhaqaaqo kooxaha Ingiriiska ka dhisan ee xiisaha u qaba sida Arsenal iyo Chelsea oo labadooduba lasocda xaaladiisa.

Antonio Conte ayaa laga yaabaa inuu raadiyo weeraryahan cusub oo uu ku bedesho Diego Costa oo mushaar sare looga balan qaaday dalka Shiinaha.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xasaasi-alvaro-morata-iyo-zinedine-zidane-oo-isku-dhacay-wakiilka-ciyaaryahanka-oo-raadinaya-koox-cusub-xili-arsenal-chelsea-heegan-kujiraan/">XASAASI: Alvaro Morata Iyo Zinedine Zidane oo Isku Dhacay, Wakiilka Ciyaaryahanka oo Raadinaya koox Cusub Xili Arsenal & Chelsea Heegan kujiraan</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *