<

Home » Horyaalada » Premier League » XAQIIQO: Tababare Jurgen Klopp oo kadib Guuldaradii Wolves 10 Sano dib udhacay

XAQIIQO: Tababare Jurgen Klopp oo kadib Guuldaradii Wolves 10 Sano dib udhacay

Tababare Jurgen Klopp ayaa waayihii ugu xumaa ku hogaamiyay kooxdiisa Liverpool kadib guuldaro 2-1 ah oo ay kala kulantay naadiga Wolves , guuldaradaas ayaana tustay inuu 10 sano hoos udhacay.

Kooxda Funaanad gaduuda ayaa laga reebay wareega afaraad ee FA Cup-ka taageerayaasha kooxda Afield ka dhisan ayaana aad uga xun heerka ay ku hareen

Liverpool ayaa haatan laga badiyay sedex kulan oo xariir ah taageerayaashooda hortooda, waxaana Anfield kaga badiyay Swansea,  Southampton iyo kooxda Wolves

Swansea ayaa 3-2 ku badisay kulan horyaalka katirsanaa halka Saints ay Liverpool ka ciribitirtay EFL Cup labadii lugba

Wolves ayaa haatan dhibaato xoogan ku abuurtay Klopp, macalinka reer Germani ayaana 10 sano kadib la kulmaya dhibaato noocaan ah

Liverpool ayaa haatan sugeysa kulanka xiga ee ay Anfield kusoo dhaweyn doonto Chelsea, talaadada, waxaana ugu xiga doona kulanka ay booqan doonaan Tottenham bisha February halka ay sidoo kale London kula tartami doonaan Arsenal 4-ta March.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xaqiiqo-tababare-jurgen-klopp-oo-kadib-guuldaradii-wolves-10-sano-dib-udhacay/">XAQIIQO: Tababare Jurgen Klopp oo kadib Guuldaradii Wolves 10 Sano dib udhacay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *