<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » XAQIIQDA AYAA HADASHA: L.Messi oo ah ciyaaryahanka ugu wax qabadka badan Sanadka 2017 – Yaase kusoo xiga?

XAQIIQDA AYAA HADASHA: L.Messi oo ah ciyaaryahanka ugu wax qabadka badan Sanadka 2017 – Yaase kusoo xiga?

Lionel Messi ayaa ah ciyaaryahanka dada xasuusiyay inuu yahay xidiga ugu shaqada badan sanadka 2017-da kadib qiimeyn la sameeyay.

Weeraryahanka qaranka Argentine ayaa kooxdiisa Barca ku hogaamiyay horyaalka La Liga sanadkii 2016, laakiin waxaa ay haatan ka hooseeyaan naadiga Real, halka uu sidoo kale abaalmaradii shaqsiiyadeed uu kuwada guuleystay  Cristiano Ronaldo.

Messi, ayaase haatan sameynaya wax cajiib ah isagoo doonaya inuu abaalmarinada Ballon d’Or iyo FIFA’s Best Player kasoo celiyo weeraryahanka Real

Xidigan ayaa lagu qiimeeyay inuu yahay kan ugu wax qabadka badan garoonka dhexdiisa xili uu kooxdiisa ku hogaamiyay guushii Copa del Rey oo ay 5-2 uga badiyeen Real Sociedad.

Waxaa uu soo taabtay shabaqa kadib markii uu rigoore dhaliyay kulankaas halka uu sidoo kale labo caawin ah ku lahaa garoonka dhexdiisa.

Qofna ma sameyn waxa uu sameeyay Messi sanadkan 2017-da waxaana kusoo xiga xidiga ay isku kooxda yihiin ee Barca Luis Suarez iyo weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann

Si kastaba, Barca ayaa umuuqata koox dagaal ugu jirta iney difaacato horyaalka La Liga iyo Copa del Rey, halka ay sidoo kale kamid tahay kooxaha ugu awooda badan Champions League.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xaqiiqda-ayaa-hadasha-l-messi-oo-ah-ciyaaryahanka-ugu-wax-qabadka-badan-sanadka-2017-yaase-kusoo-xiga/">XAQIIQDA AYAA HADASHA: L.Messi oo ah ciyaaryahanka ugu wax qabadka badan Sanadka 2017 – Yaase kusoo xiga?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *