<

Home » Horyaalada » Premier League » XANTA SUUQA:- Shan xiddig oo ay macquul tahay inay ka tagaan kooxahooda kuna biiraan kooxa kale, inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga

XANTA SUUQA:- Shan xiddig oo ay macquul tahay inay ka tagaan kooxahooda kuna biiraan kooxa kale, inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga

waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa ilaa tiro shan ciyaaryahan ah, oo laga yaabo inay ka tagaan kooxahooda, kuna biiraan kooxo kale oo aad u xiiseynaya adeegooda.

Dimitri Payet, West Ham to Marseille:- tababaraha kooxda Hummers Slaven Bilic ayaa horay u sheegay inuusan ka tagi doonin ciyaaryahankiisa kooxda, balse waxa ay u badan tahay inuu u dhaqaaqo kooxda France ka dhisan ee Marseille, waxa laga yaabaa in lagu iibsado lacag dhan £20m, £22m iyo £22.5m, iyadoona laga yaabo in lacagtu ay gaarto £30m.

Asmir Begovic, Chelsea to Bournemouth:- goolhayaha Chelsea ayaa ku dhibaatooday inuu boos ka helo kooxda Blues, waxaana uu ku bixi doonaa aduun lacageed dhan £12m.

Robert Snodgrass, Hull city to West Ham or Middlesbrough:- weeraryahanka dhexe ee kooxda Hull ayaa lagu wadaa inuu ka dhaqaaqo garoonka kooxdiisa, isagoo ku biiri kara kooxahaas midkood, waxaana booskiisa ay kooxda usoo qaadatay si amaah garabkii hore ee Liverpool  Lazar Markovic, waxana uu qiimahiisu yahay £8m.

Odion Ighalo, Watford to West Brom:- laacibka weerar kaga ciyaara kooxda Watford ayey u badan tahay inuu bishaan ka xirxirto boorsooyinkiisa, qiimaha ay ku rabto kooxdiisa waa £17m.

Ashley Young Manchester United, to Amaah inuu ku baxo:-  Young waxa uu ku adag inuu si joogto ah ugu ciyaaro naadiga Old Trafford ka dhisan, sida ay warbaahinta Egland kasoo baxda ay sheegayaan in laacibkan uu si amaah ah ugu ciyaari doono kooxda Chinese Super League ka ciyaarta ee Shandong Luneng.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xanta-suuqa-shan-xiddig-oo-ay-macquul-tahay-inay-ka-tagaan-kooxahooda-kuna-biiraan-kooxa-kale-inta-uu-furan-yahay-suuqa-kala-iibsiga/">XANTA SUUQA:- Shan xiddig oo ay macquul tahay inay ka tagaan kooxahooda kuna biiraan kooxa kale, inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *