<

Home » Horyaalada » Premier League » Xaalada Anthony Martial oo kacsan, iyo taageerayaasha Chelsea oo ku baaqay in xiddigaan la keeno garoonkooda Stamford Bridge

Xaalada Anthony Martial oo kacsan, iyo taageerayaasha Chelsea oo ku baaqay in xiddigaan la keeno garoonkooda Stamford Bridge

Weeraryahanka kooxda Manchester United Anthony Martial ayaa hadda mustaqbalkiisa waxa soo galay shaki xoogan, kadib markii laga waayay tababarkii ay kooxdiisa sameyneysay Isniintii shalay.

Xiddiga heerka caalami ee Qaranka France, ayaa kooxda United ugu soo biiray aduun lacageed gaaraya £57,6 milyan, isagoona xaalad aan la shaacin ku maqnaa kulankii ay sabtidii barbaraha 1-1 la galeen kooxda Stoke City.

Markii wax laga weydiiyay arimo ku saabsan maqnaanshaha Martial ee ciyaarta, ayuu Jose Mourinho ku jawaabay markii ay soo dhamaatay ciyraatii Stoke “Martial lama soo xulan”.

Warar kasoo baxaya France ayaa sheegaya in Martial oo 21-sano jir ah, uu ka careysan yahay habka uu u maamulo kooxda Mourinho, isagoona sidoo kale caro ka qaaday in laacibkan uusan helin fursado badan uu ku ciyaaro.

Martial ayaa kusoo bilowday kaliya sagaal kulan oo Premier League-ah xilli ciyaareedkan, waxaana uu ku guuldareystay inuu xajisto booska joogtada ah ee weerarka Jose Mournho.

Inkastoo ay taageerayaasha United ka argagaxsan yihiin mustaqbalka Martial ee Old Trafford, ayaa hadana taageerayaasha Chelsea ayaa bogooda Twiter-ka kusoo qoray hadalo u badnaa goobin, iyo inay madaxda Chelsea ay soo qaataan laacibka 21-sano jirka ah.

Mid kamida taageerayaasha ayaa bogiisa kusoo qoray: “ Finaanada Numberka 9 wuu ka banaan yahay, ee kaalay halkaan ka ciyaar”.

Mid kale ayaa isna soo qoray: “ Ma jeclaan leheed kooxda Chelsea inaad u ciyaarto Martial”.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/xaalada-anthony-martial-oo-kacsan-iyo-taageerayaasha-chelsea-oo-ugu-baaqay-in-xiddigaan-la-keeno-garoonkooda-stamford-bridge/">Xaalada Anthony Martial oo kacsan, iyo taageerayaasha Chelsea oo ku baaqay in xiddigaan la keeno garoonkooda Stamford Bridge</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *