<

Home » Falanqeyn » Wolverhampton oo Garaacday Liverpool, Anfield oo Laba koob Ay Ku lumisay Reds Saddex Maalmood Gudahood Xili kooxda Klopp Macsalaameysay Tartanka FA CUP-ka

Wolverhampton oo Garaacday Liverpool, Anfield oo Laba koob Ay Ku lumisay Reds Saddex Maalmood Gudahood Xili kooxda Klopp Macsalaameysay Tartanka FA CUP-ka

Liverpool ayaa wali waxaa kusocda guuldarooyinka xiriirka ah ee soo gaaray, waxaana markale ay lumisay koobkii labaad muddo sadex maalmood gudahood.

Reds ayaa garoonkeeda ku marti qaaday kulan katirsan wareega Afaraad ee FA Cupka kooxda Wolves ee ciyaarta Championshipka.

Shaxda labada koox ay kusoo galeen garoonka ayaa kala aheyd

Liverpool: Karius, Randall, Gomez, Klavan, Moreno, Lucas, Ejaria, Wijnaldum, Woodburn, Firmino, Origi.

Keydka: Mignolet, Milner, Stewart, Can, Wilson, Coutinho, Sturridge.

Wolves: Burgoyne, Doherty, Edwards, Stearman, Saville, Evans, Coady, Costa, Dicko, Hause, Weimann.

Keyda: Lonergan, Batth, Enobakhare, Ronan, Gibbs-White, Bodvarsson, Mason.

Ciyaarta ayaa si wacan ugu bilaabatay kooxda Liverpool oo weerar kulul ku bilowday shabaqa kooxda kasoo horjeeday ee Wolves oo aan dhankeeda dhibyareyn.

GOOOOAL! LIVERPOOL 0-1 WOLVES (Stearman 1)

Wow. Muxuu u ahaa bilow fican kooxda Wolves. Free-kick ka yimid Costa ayaa waxaa dhameystiray Stearman oo kubada ka madaxeeyay meel lix yards. ujirta goolka Liverpool.

Waxa uu ahaa offside mid kujiray inuu umuuqday Stearman. laakiin daafaca Liverpool ayaa baabi’iyey kubadaasi in ay noqto garab dhaaf.

Liverpool ayaa waaga ku baryay markii laga dhaliyay goolkaas, waxaana ay bilaaween in ay sameeyaan dagaal ay kusoo celinayaan goolka lagu hogaaminayay.

waxaa dhowr jeer fursado abuuray Farminho kaasoo kusigtay inuu gool u dhaliyo kooxdiisa, laakiin daafac xoogan ayuu wajahayay.

GOOOOAL! LIVERPOOL 0-2 WOLVES (Weimann 41)

Waxa uu ahaa goolkii ugu qurxanaa garoonka oo ay dhalisay kooxda Wolves! wuxuuna ahaa gooli kale oo uu kasoo shaqeeyay laacibka lagu magcaabo Costa.

xiddigii hore ee Aston Villa Weimann ayaa lagu tuurau kubad qayaamo ah, waxaana uu si qurux badan dhulka kaga tagay goolhaye Karius.

xamaasada ciyaarta ayaa badatay, waxaana Liverpool oo careysan lagu marsiiyay qeybta hore 2-0.

soo laabashada qeybtii labada kooxda Wolves ayaa ku dhawaatay in ay dhaliso goolka saddexada, laakiin uma suuta gelin fursado badan oo ay abuureen.

Macalin Klopp ayaa isbedel weyn ku sameeyay shaxdiisa isagoo kusoo daray garoonka weeraryahanka Sturredge, waxaana ciyaarta laga saaray Farnimho oo wax badan aan ka sameyn garonka.

GOOOOAL! LIVERPOOL 1-2 WOLVES (Origi 86)

nolosha Liverpool ayaa u muuqatay mid soo noolan kartay markii ay kooxda Wolves ku guuldareysatay in ay iska saarto Cross ka yimid Sturridge waxaana dhameystiray Origi.

Liverpool ayaa isku dayo badan sameysay si ugu yaraan ay u hesho goolka barbaraha ee ciyarata laakiin natiijada ayaa ugu dabeyn noqtay mid kusoo dhamaatay 2-1 oo ay wareega shanada ugu gudubtay kooxda Wolves.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wolves-oo-iska-xaadirisay-wareega-shanaad-ee-fa-cup-markii-ay-garoonkooda-anfield-kaga-yaabsadeen-liverpool/">Wolverhampton oo Garaacday Liverpool, Anfield oo Laba koob Ay Ku lumisay Reds Saddex Maalmood Gudahood Xili kooxda Klopp Macsalaameysay Tartanka FA CUP-ka</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *