<

Home » Falanqeyn » Wenger oo Ka Hadlay Soo Laabashada Theo Walcott, Dhaawaca Kooxdiisa Iyo Ciyaartooyda Qasabka ay Tahay In La iibiyo Bishaan

Wenger oo Ka Hadlay Soo Laabashada Theo Walcott, Dhaawaca Kooxdiisa Iyo Ciyaartooyda Qasabka ay Tahay In La iibiyo Bishaan

Theo Walcott ayaa ku soo laabtay kooxda Arsenal ee kulanka wareega afaard ee  FA Cup la ciyaareysa sabtida kooxda Southampton, sida uu xaqiijiyay Arsene Wenger.

27-sano jirkaan ayaa ku maqnaa dhaawac kubka ah tan iyo dabayaaqadii December, laakiin dhawaan ayuu kusoo laabtay tababarka buuxa ka hor kulanka isbuucaan ay wajahayaan kooxdiisii hore.

Walcott laga yaabaa inuu ciyaaro ka garab Danny Welbeck, ciyaaryahan kale oo uu soo gaaray iyadoo dhaawac soo biiray Arsenal, iyo rajo ah inaan helo waqti ciyaarta garoonka St Mary ee noqon doonaa.

“Walcott ayaa ku soo laabtay kooxda. Xhaka ayaa ganaaxan iyadoo Elneny uu ku maqan yahay African Cup of Nations,” ayuu u sheegay suxufiyiinta maanta oo khamiis ah macalin Wenger.

Wenger reveals Walcott return and sheds light on Debuchy's future

Per Mertesacker iyo Mathieu Debuchy ayaan wali kusoo laaban tababarka buuxa kuwaasoo wlai kooxda kasii maqan ayuu yiri Wenger.

Wenger ayaa qiray in albaabka weli uu ufuran yahay daafaca midig ee baxsadka ka ah kooxda ee Debuchy kaasoo rajeynaya inuu ka tago Emirates Stadium bishan.

Wuxuu ku dhibtooday Mathieu Debuchy inuu kasoo muuqdo xili ciyaareedkaan Premier League, taasoo ku qasbeysa inuu ka tago kooxda.

“waa uu xasiloon yahay hadda, laakiin waxaan idinku leeyahay albaabka wali waa ufuran yahay Debuchy oo ka ciyaara garabka midig,” ayuu hadalkiisa raaciyay Wenger.

Arsenal ayaa dooneysa in ay badiso kulankii shanaad ee FA Cup oo isku xiga, laakiin kooxda Claude Puel oo League Cup kasoo tuurtay Arsenal bishii November ayaa cabsi badan laga qabaa.

Southampton ayaa sidoo kale xalay garaacday Liverpool iyadoo iska xaadirisay Fibalka League Cup waxaana ay sugayaa Manchester United ama Hull City midii soo baxdaa caawa.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wenger-oo-ka-hadlay-soo-laabashada-theo-walcott-dhaawaca-kooxdiisa-iyo-ciyaartooyda-qasabka-ay-tahay-in-la-iibiyo-bishaan/">Wenger oo Ka Hadlay Soo Laabashada Theo Walcott, Dhaawaca Kooxdiisa Iyo Ciyaartooyda Qasabka ay Tahay In La iibiyo Bishaan</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *