<

Home » Falanqeyn » WARBIXIN: Waa Sidee Xaalada Ciyaartooyda Arsenal Ka Hor Kulanka Galabta Ee Burnley?

WARBIXIN: Waa Sidee Xaalada Ciyaartooyda Arsenal Ka Hor Kulanka Galabta Ee Burnley?

Arsenal ayaa wajihi doonta kooxda Burnley iyadoo soo dhaweyn doonta dhowr ciyaaryahan oo fure u ah kulankaan Premier League ee Emirates Stadium kooxda Gunners.

Arsene Wenger ayaa waxaa dib ugu soo laabtay Hector Bellerin, Olivier Giroud iyo Francis Coquelin.

Gunners ayaa sideed dhibcood ka danbeeysa kooxda hogaanka heysa ee Chelsea waxaana kulankii ugu dambeeyay si raaxo leh 4-0 ay kaga badiyeen kooxda Swansea todobaadkii la soo dhaafay.

DHAAWACYADA Arsenal

Bellerin, Giroud, Coquelin iyo Kieran Gibbs ayaa dhaawac ka soo laabtay, laakiin Theo Walcott (kubka), Mathieu Debuchy (muruqa) iyo Per Mertesacker (jilib) ayaa dhamaantood ka maqan wali kooxda.

Santi Cazorla ayaa la filayaa inuu ka maqnaan doono kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka dib markii qaliin lagu sameeyay.

Miyay Jiraan Ciyaartooy ka ganaaxan Arsenal? maya majiro wax ciyaaryahan ah oo ka ganaaxan Arsenal.

Shaxda macquulka ay tahay in ay kusoo gasho kooxda Arsenal

Coquelin ayaa ka bedeli kara khadka dhaxe Aaron Ramsey, halka khadka weerarka uu ku biiri kara ninka reer Wales.

Dhanka kale, Giroud ayaa shaki qaba, halka Bellerin laga yaabo inuu bedelo Gabriel.

Predicted Arsenal Xi

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/warbixin-waa-sidee-xaalada-ciyaartooyda-arsenal-ka-hor-kulanka-galabta-ee-burnley/">WARBIXIN: Waa Sidee Xaalada Ciyaartooyda Arsenal Ka Hor Kulanka Galabta Ee Burnley?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *