<

Home » Horyaalada » Premier League » WARBIXIN: Steven Gerrard oo shaaca ka qaaday sababta uu u maleynayo inuusan kusoo biirin Antoine Griezmann, kooxda Manchester United bishii January

WARBIXIN: Steven Gerrard oo shaaca ka qaaday sababta uu u maleynayo inuusan kusoo biirin Antoine Griezmann, kooxda Manchester United bishii January

Halyeeyga kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa aaminsan in sababta weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann, uusan ugu biirin kooxda Manchester United bishii January ay tahay United oo aanan ciyaareen koobka Champions League-ga.

Griezmann ayaa qarka u saaran inuu u ciyaaro, naadigiisa Atletico Madrid kulanka lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey ay Barcelona la dheelayaan iyo wareega 16-ka ee Champions League.

Atletico, ayaa gaartay finalka tartanka Champions League-ga labo ka mid ah seddexdii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay, balse Griezmann ayey rajadiisu ahyad inuu ku guuleysto 2015-16, markii ay rigoorayaal uga qaadeen kooxda ay xafiiltaman ee Real Madrid.

Manchester United ayaa ku hamineysay inay lasoo wareegto, xiddiga heerka caalami ee qaranka France oo 25-sano jir ah, laakiin Gerrard ayaa u arka sababta uusan Griezmann u aadin United ay tahay xiisaha uu laacibkaan uu qabo inuu kasii ciyaaro koobka Champions League.

“Waxaan u maleynayaa in Griezmann uu doonayo inuu kasii ciyaaro Champions League-ga oo ay kooxdiisa Atletico Madrid, hadda ka ciyaareyso, xitaa haddii ay ciyaari lahayd United Champion-ka uma uusan usoo dhaqaaqeen, maxaayeelay sharci ahaan uma ciyaari karo” Gerrard, oo mustaqbalkiisa ciyaareed ku qaatay la xafiiltanka United ayaa u sheegay BT Sport, mar uu la hadlayay.

Jose Mourinho kooxdiisa ayaa 15 dhibcood ka hooseysa naadiga hogaaminaya Premier League-ga ee Chelsea, Waxa ayna joogaan l finalka League Cup-ka, iyagoona usii dagaalamaya ilaa seddex koob oo kale.

Atletico qudheeda ayaa 10 dhibcood danbeysa hogaamiyayaasha La Liga, ee Real Madrid, Griezmann ayaana ahaa xiddiga u horseeday Atletico inay gaarto Finalka Champions League-ka sanadii 2016, isagoona sidoo kale si layaab leh xulkiisa France u geeyay kaalinta labaad Euro 2016, markaaso ay guuldaro 1_0 ah kala kulmeen ku guuleystayaashii Euro ee Portugal.

Atletico ayaa ku qiimeysa laacibkaan lacag dhan €80 million,  iyadoo la xasuusto in United, ay xagaagii hore kusoo qaadatay aduun dhan €105m  khadka dhexe ee Paul Pogba, oo sanadii la soo dhaafay ka yimid Juventus, waana ilaa haatan ciyaaryahanka ugu qaalisan kubada cagta.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/warbixin-steven-gerrard-oo-shaaca-ka-qaaday-sababta-uu-u-maleynayo-inuusan-kusoo-biirin-antoine-griezmann-kooxda-manchester-united-bishii-january/">WARBIXIN: Steven Gerrard oo shaaca ka qaaday sababta uu u maleynayo inuusan kusoo biirin Antoine Griezmann, kooxda Manchester United bishii January</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *