<

Home » Falanqeyn » WARBIXIN: Kadib Markii Wenger Gacanta Loo Geliyay Ganaax Afar kulan oo La Micno Inuu Maqnaanayo Muddo Bil ah, Maxaa Caqabad ah oo ay wajihi kartaa Gunners?

WARBIXIN: Kadib Markii Wenger Gacanta Loo Geliyay Ganaax Afar kulan oo La Micno Inuu Maqnaanayo Muddo Bil ah, Maxaa Caqabad ah oo ay wajihi kartaa Gunners?

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa gacanta loo geliyay ganaax afar kulan ah ka dib markii uu qirtay dacwad ay kusoo rogeen xiriirka kubada cagta (FA) markii uu riixay garsooraha afaraad intii ay soctay ciyaartii Premier League kooxdiisa kaga badisay Burnley axadii lasoo dhaafay.

Wenger ayaa lagu soo oogay dacwadaan kadib markii uu taribuunka saaray garsooraha markii uu isticmaalay luqada xadgudub ama aflagaadada ah intii uu hortaagnaa garsooraha afaraad ee ciyaartaas Anthony Taylor ka dib markii rigoore-waqti dambe lagu abaalmariyay kooxda Burnley.

wenger“Waxaa la sii sheegay dhaqan xumadiisa ka dib markii uu casaan loo taagay, waxa uu qirtay inuu riixay garsooraha afaraad taasoo ka dhigan inuu aqbalay ganaaxiisa ayaa lagu yiri warka kasoo baxay,” FA-jimcihii shalay.

“Tababaraha Arsenal ayaa, waxaa sidoo kale lagu ganaaxay 25,000 pounds oo u dhiganta ($ 31,342), kadib markii uu isticmaalay hadalo xagudub ah.

Wenger ayaa si caro leh uga jawaabay garsoorka ka dib markii Burnley rigoore lagu abaalmariyay daqiiqadii 93rd-kulankii Emirates Stadium, markaasoo ciyaartu noqtay 1-1.

Waxa uu saaray taribuunka garsoore Jon Moss, laakiin wuxuu istaagay meel ku dhaw tunnel isagoo diiday inuu u dhaqaaqo qeybta sare ee garoonka Emirates Stadium taasoo aheyd dambi kale oo ciqaabtiisa uu qaatay macalinka France.

Football Soccer Britain - Arsenal v Burnley - Premier League - Emirates Stadium - 22/1/17 Arsenal manager Arsene Wenger clashes with fourth official Anthony Taylor before being sent to the stands Reuters / Dylan Martinez/ Livepic/ Files

Taylor ayaa u muuqday mid hadalo kulul kala kulmayay macalin Wenger, lakiin tababaraha Faransiiska ayaa waxaa uu bixyay raali gelin kadib ciyaartaas.

Arsenal ayaa goolka guusha waxaa u dhaliyay xiligii dhimashada Alexis Sanchez kadib markii rigoore lasiiyay kooxdiisa.

Arsenal ayaa u safreysa Southampton wareega afaraad ee FA Cup maanta oo sabtida ah, ka hor inta aysan marti qaadin Watford ekulan katirsan Premier League saddex maalmood ka dib.

kulan kale Wenger uu seegi doona waxay kala yihiin kuwa horyaalka uu ku wajahayo Chelsea February 4 iyo kan gurigiisa uu kala qaadanayo Hull City Isbuuc ka dib.

Waxa uu ku soo laaban doona kursiga keydka Arsenal kulanka wareega shanaad FA Cup haddii uu garao ama safarka Premier League ay ku tagayaan Liverpool March 4.

Arsenal ayaa wajihi karta caqabado badan mudada bisha ah ee uu ganaaxa kaga maqnaan doono macalin Arsene Wenger.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/warbixin-kadib-markii-wenger-gacanta-loo-geliyay-ganaax-afar-kulan-oo-la-micno-inuu-maqnaanayo-muddo-bil-ah-maxaa-caqabad-ah-oo-ay-wajihi-kartaa-gunners/">WARBIXIN: Kadib Markii Wenger Gacanta Loo Geliyay Ganaax Afar kulan oo La Micno Inuu Maqnaanayo Muddo Bil ah, Maxaa Caqabad ah oo ay wajihi kartaa Gunners?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *