<

Home » Horyaalada » Premier League » WARBIXIN BUUXDA: Rooney, Martial & Fellaini oo ka tagaya Man United si uu uyimaado Griezmann

WARBIXIN BUUXDA: Rooney, Martial & Fellaini oo ka tagaya Man United si uu uyimaado Griezmann

Kooxda Manchester United ayaa ku qasban iney iska iibiso Wayne Rooney hadii ay dooneyso iney ka dhabeyso in £100million ay kula soo saxiixato Antoine Griezmann.

Wargeyska Indepedent ayaa sheegaya in xidiga ugu goolasha badan kooxda United iyo qaranka Ingiriiska uu mushaar waali ah ka helayo horyaalka China.

Sidoo kale Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Kooxda Man United ay saxiixa Griezmann heli karto marka ay iska iibiso xidigaha kale ee Anthony Martial iyo Marouane Fellaini kuwaas oo aanan mustaqbalkooda Old Trafford la hubin.

nintchdbpict000298628158

Horyaalka Bariga Fog ayuu Rooney ka halayaa mushaar dhan Hal Milyan Todobaadki, waxaana qasab ku ah inuu ka baxo keydka United

Kabtanka  England ayaa doonayay inuu waayihiisa ku dhameeyo Old Trafford laakiin waxaa uu noqon waayay dooqa koobaad ee macalin Jose Mourinho.

nintchdbpict000298621221-e1486124177928

31 jirkaan ayaa hesiiskiisa waxaa uga dhiman 18 Bilood, waxaana mushaarkiisa £250,000 aad ugu badan kan uu ka qaadanayo hadii uu China ku biiro.

Anthony Martial ayaa dhanka kale ka baxay dooqa macalin Mourinho, kaas oo dhowr mar ka soo tagay oo aan kusoo darsan liiska ciyaaryahanadiisa

nintchdbpict000296982530

21 jirkaan United ugu fadhiya £57.6million ayaa lala xariirinayaa kooxda France ka dhisan ee Paris Saint-Germain waxaana lacagta ay ka hesho heshiiskiisa ku iibsan karaa Griezmann.

Fellaini ayaa sidoo kale ah ciyaaryahanada lacagaha badan soo galin kara hadii ay kooxdu iibiso, waxaana xidigan reer Belgium la filayaa inuu kamid noqdo ciyaaryahanada kooxda ka tagaya  xili ciyaareedka danbe hadii badalkiisa ay lasoo saxiixato United.

nintchdbpict000288313658-e1481548711302

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/warbixin-buuxda-rooney-martial-fellaini-oo-ka-tagaya-man-united-si-uu-uyimaado-griezmann/">WARBIXIN BUUXDA: Rooney, Martial & Fellaini oo ka tagaya Man United si uu uyimaado Griezmann</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *