<

Home » Falanqeyn » WARBIXIN: Aubameyang, Mahrez, ERIC Bailly & Dhamaan xiddigaha Kale ee Kusoo Fashilmay Africa Cup of Nations

WARBIXIN: Aubameyang, Mahrez, ERIC Bailly & Dhamaan xiddigaha Kale ee Kusoo Fashilmay Africa Cup of Nations

Iyada oo Africa Cup of Nations lasoo gabagabeeyay wareegiisa group-yada hadda, waxaa durbaba ciyaartoyda muhiimka ah ay ku laabanayaan kooxaha Premier League iyo sidoo kale qaar ka mid ah kooxaha ugu weyn Europe.

Ciyaartooyda waqtigaan ku laabtay kooxahooda ee xulalkooda kusoo hareen wargeega Group-yada tartankaan aya halkaan kusoo gudbin doonaa aqristow.

Ismaaciil BENNACER | Algeria & Arsenal

lama filaan ayaa loogu yeeray xulka Algeria wiilka da’da yare e kooxda Gunners ma uusan ciyaarin hal daqiiqo inta xulkiisa Algeria ka qeyb galayeen tartanka Africa Cup of Nations.

Wilfried Bony | Ivory Coast & Stoke City

Gool ayuu ku bilowday ololaha furitaanka tartankaan, laakiin xulka Ivory Coast ayaa awoodi waayay in ay soo gudbaan kadib markii ay ku hor kufeen xulka Morocco.

Pierre-Emerick Aubameyang | Gabon & Borussia Dortmund

Weeraryahanka ayaa laba gool u dhaliyay xulka Gabon oo aan xitaa hal kulan ka badin sadexdii kulan ee furitaanka tartankaan, laakiin saddex barbaro oo aan ku filnaan ayay soo xareysteen martigaliyaasha.

Riyad Mahrez | Algeria & Leicester City

Mahrez ayaa dhaliyay labo gool kulankii ugu horeyay ee Zimbabwe la ciyaareen xulkiisa, laakiin dhibaato dhanka daafaca ah ayay wajaheen sanadkaan xulka Algeria.

Waxaa laga dhaliyay lix gool seddexdii kulan oo ay ka ciyaareen marxalada hore ee tartankaan, iyadoo Mahrez xulkiisa caawin wayaay kulankii ugu dambeeyay ee Senegal.

Islam Slimani | Algeria & Leicester City

Wararkii ugu dambeeyay ee xanta suuqa ayaa la xiriirinaya kooxaha Chinese Super League, laakiin weeraryahanka ayaa dhaliyay laba gool kulankii Senegal iyo Algeria, laakiin waxay ka baxsan waayeen Tunisia iyo Zimbabwe.

Lamine Kone | Ivory Coast & Sunderland

Inkastoo uu fadhiyay kursiga keydka islamarkaana uu ka dambeeyay sadexda daafac ee Eric Bailly, Simon Deli iyo Wilfried Kanon haddana wuxuu muhiim u yahay kooxdiisa Sunderland oo baxsad ka ah heerka labaad ee Premier League.

Max Gradel | Ivory Coast & Bournemouth

Wuxuu kaliya diiwaasngashtay hal caawin kulankii DR Congo, waxaase kulamada kale uu ka ciyaaray kursiga keydka.

Bakary sako | Mali & Crystal Palace

Ka dib markii Mali goolal la’aan ku dhameysteen labadii kulan ee ugu horeysay tartankaan, kulankii sadexaad ayaa la garaacay markaasoo kursiga keydka la fariisiyay Sako.

MARIO LEMINA | Gabon & Juventus

Dhaawac ayuu kaga haray ciyaartii ugu horeysay ,inkastoo uu soo laabtay labadii kulan ee xigay heerka group haddana wax muuqda soo bandhigin.

Serge Aurier | Ivory Coast & Paris Saint-Germain

Daafaca dambeedka midig ayaa bixiyay caawinaadii goolka barbaraha ahaa ee uu dhaliyay Serey Die kulankii DR Congo, laakiin xulkiisa Elephants ayaa guuldarro 1-0 kala kulmay Morocco kulankii ugu dambeeyay.

ERIC Bailly | Ivory Coast & Manchester United

Wuxuu ka Caawiyay kooxdiisa inay shabaqa ka ilaashato Togo. laakiin waxaa gool laga dhaliyay gool kulankii Morocco markaasoo tartanka laga soo tuuray.

Adlene Guedioura | Algeria & Watford

Dhamaan seddex kulan ayuu kusoo bilowday isagoo hal caawin diiwaangashtay, inkasta oo ay xulkiisa qasaaro kala kulmeen Tuniisiya

Didier NDONG | Gabon & Sunderland

Wuxuu Ciyaaray daqiiqad kasta oo xulkiisa tartanka kasoo muuqdeen, isagoo ahaa qadka dhexe ee ugu weynaa xulka Gabon, laakiin waxaa dilay seddex barbaro oo ay galeen.

Wilfried Zaha | Ivory Coast & Crystal Palace

Wuxuu kusoo bilowday dhamaan seddexda kulan ee xulkiisa isagoo ka ciyaarayay garabka midig, laakiin wax gool ah ama caawinaad ah lagama helin kulamadaasi.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/warbixin-aubameyang-mahrez-eric-bailly-dhamaan-xiddigaha-kale-ee-kusoo-fashilmay-africa-cup-of-nations/">WARBIXIN: Aubameyang, Mahrez, ERIC Bailly & Dhamaan xiddigaha Kale ee Kusoo Fashilmay Africa Cup of Nations</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *