<

Home » Falanqeyn » WARARKII Wargeysyada ee Maanta oo Axad ah: Chelsea oo iibineysa Costa, United oo ku dhegan Griezmann, Qorshaha Wenger, Pep, Klopp & Wararkii ugu danbeeyay

WARARKII Wargeysyada ee Maanta oo Axad ah: Chelsea oo iibineysa Costa, United oo ku dhegan Griezmann, Qorshaha Wenger, Pep, Klopp & Wararkii ugu danbeeyay

ASCWW Kulanti Wanaagsan dhamaan Akhristayaasha Laacibiin.com kuna soo dhawaada Wararkii ugu danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga ciyaaryahanada.

Qodobo Xasaasi ah ayaa kamid ahaa ciwaanadii maanta ugu waa weynaa ee Wargeysyada England iyo Suuqa Kala Iibsiga oo maalmo kooban ay ka harsan yihiin.

Kooxda Chelsea ayaa qiimaha ay ku iibin doonaan weeraryahankeeda D.Costa ka dhigtay lacag dhan £130m , waxaana ay rajeyneysaa in 28-jirkaan ay iibiso bishan January (Times)

Weeraryahanka kooxda Manchester United Wayne Rooney oo 31 jir ah ayaa mushaar dhan £1m todobaadkii ka qaadan doona China hadii uu halkaas aado (the Sun)

Naadiga Real Madrid ayaa diyaar u ah iney lacag waali ah ku qarash gareyso helida kubad sameeyaha kooxda Tottenham Dele Alli, 20-jirkaan ayaana si weyn uga dhex muuqday kooxdiisa xagaagan (Express)

Ciyaaryahanka Antoine Griezmann ayaa loo sheegay inuu ku sii nagaan doono Atletico Madrid mudo dheer xili kooxda Man United ay si weyn udooneyso (Sun)

Dhanka kale Antoine Griezmann ayaa loo balan qaaday inuu Manchester United uxiran doono Numberka kooxdaas taariikhda ku leh ee No.7 hadii uu  £70m ugu soo biiro Old Trafford xagaaga danbe (Mirror)

Halyaygii reer Holland Ruud Gullit ayaa dhanka kale uga digay Paul Pogba inuu noqon doono ciyaaryahan Faloob ah si lamid ah sidii uu Manchester United ka sameeyay Memphis Depay (Mirror).

Goolhayaha kooxda Manchester United Sergio Romero ayaa iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxda dalkiisa ka dhan ee Boca Juniors, sidaas saxaafada ayaa laga soo xigtay (Express)

Kooxda Burnley ayaa doneysa lacag dhan £20m  hadii ay iibinayaan daafaca dhexe ee Michael Keane – koooxaha Manchester City , Everton IYO Leicester ayaana kula soo biiray Chelsea iyo United xiisaha ciyaaryahankan (Sun)\

Wakiil Mino Raiola ayaa heegan geliyay kooxaha horyaalka Ingiriiska kadib markii uu sheegay in goolhayaha AC Milan Gianluigi Donnarumma uu diiyaar uyahay inuu kooxdaas ka tago, Chelsea, Man United iyo Real Madrid ayaana doonaya 17 jirkaan heerka caalami (Sun)

Real Madrid ayaa wadahadal la furtay goolhayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois – laakiin waxaa ay meesha ka saareen in heshiiskaas uu qeyb ka noqon doono weeraryahanka Alvaro (Morata Mirror).

Naadiga West Ham ayaa kafakareysa iney amaah ku bixiso kubad sameeyaheeda Dimitri Payet, 29 jirkaan ayaana aadi doono Marseille waxaana ay amaah ku siin doontaa Nice (Mirror)

Kooxda Paris St-Germain ayaa isku diyaarineysa iney dhanka kale gasho tartanka loogu jiro saxiixa Payet waxaana ay dooneysaa iney ku garacdo kooxda kale ee Marseille oo si weyn udooneysa xidiga rer France (Express)

Naadiga Chelsea ayaa Manchester United iyo Bayern Munich kula biirtay daafaca  Benfica ugu qiimeysan lacag dhan £34m, 23 jirkaan daafaca midig Nelson Semedo ayaana diyaar u ah inuu helo tartan weyn (Star)

Dhanka kale kooxda Manchester United ayaa ciyaaryahanadeeda ku ciqaabi doonta iney mushaarka ka dhinto hadii ay xili ciyaareedkan kasoo muuqan waayaan tartanka  Champions League (The Sun)

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa doonaya in madaxa garsoorayaasha England sababtii uu garsoore Andre Marriner uu rigoorada usiin waayay kulankii ay 2-2 la galeen Tottenham (Telegraph)

Kooxda Sunderland ayaa si lama filaan ah ula soo saxiixan doonta Robbie Keane iyo Joleon Lescott -kuwaas oo da\ah si ay kooxda uga bad baadiyaan dhibaatada haysata (Express)

Daily Star

Tottenham ayaa soo diiday dalab ku kacaya £8m oo uga yimid kooxda Crystal Palace taas oo dooneysa xidiga reer Wales ee Ben Davies, (People)

Kooxda  Black Cats ayaa qiimeyneysa xaalada ciyaaryahankii hore ee kooxaha Arsenal iyo Manchester City Patrick Vieira, kaas oo haatan tababare ka ah New York City horyaalka Mareykanka hadii  David Moyes shaqada laga ceyriyo (The Sun)

Kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Manchester United ayaa ku dagaalamaya saxiixa garabka kooxda Inter Milan iyo qaranka Croatia Ivan Perisic, 27. (La Gazzetta Dello Sport)

Dhanka kale kooxda isla horyaalka Italy ka dhisan ee Juventus ayaa si waali ah udooneysa xidiga boosaska badan ee Liverpool iyo qaranka Germany Emre Can, oo 23 jir ah.  (Corriere dello Sport – in Italian)

Tababaraha cusub ee Swansea Paul Clement ayaa shegay inuu dioonayo inuu sii haysto weeraryahanka qaab ciyaareedka cajiibka ah ku jira ee Fernando Llorente, 31 jir ah xili lala xariirinayo kooxda hogaanka horyaalka haysa ee Chelsea (TalkSPORTS)

Naadiga Crystal Palace ayaa ku dhow iney dhumiso saxiixa Patric Evra oo 35 jir ah, kadib markii ay kooxda Olympique Lyonnais ay kusoo biirtay doonitaanka daafacan bidix .(Eurosport – in French)

Naadiga Watford ayaa heshiis la gaartay xidigii hore ee Birmingham City, West Ham United iyo Queens Park Rangers striker Mauro Zarate, oo 29 jir ah kaas oo Fiorentina uga imaan doona lacag dhan £2.3m.(Observer)

Daily Mail

Carlos Tevez  ayaa beeniyay inuu uga soo tagay kooxdiisii hore ee Boca Juniors si uu unoqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan caalamka (Daily mail)

Bartilmaameedka suuqa ee West Ham Scott Hogan, ayaa ka laga rebay shaxdii kooxdiisa Brentford kulankii Wigan, 24 jirkaan ayaana la fahansan yahay inuu kku biirayo kooxda macalin Billic (London Evening Standard)

Naadiga Middlesbrough oo dalab ah £6m ka gudbisay qadka dhexe ee Hull City Robert Snodgrass ayaa lasoo diiday waxase qasab ku ah iney lacagaas ka dhigto 8 Milyan (Sky Sports)

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wararkii-wargeysyada-ee-maanta-oo-axad-ah-chelsea-oo-iibineysa-costa-united-oo-ku-dhegan-griezmann-qorshaha-wenger-pep-klopp-wararkii-ugu-danbeeyay/">WARARKII Wargeysyada ee Maanta oo Axad ah: Chelsea oo iibineysa Costa, United oo ku dhegan Griezmann, Qorshaha Wenger, Pep, Klopp & Wararkii ugu danbeeyay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *