<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » WARARKII WARGEYSYADA – Aguero – Chelsea, Silva – United, Hart – Liverpool – Maxaase ka cusub Arsenal, City & Kooxaha kale ee Ingiriiska

WARARKII WARGEYSYADA – Aguero – Chelsea, Silva – United, Hart – Liverpool – Maxaase ka cusub Arsenal, City & Kooxaha kale ee Ingiriiska

ASCWW Kulanti wanaagsan dhamaan Akhristayaasha Laacibiin.com kuna soo dhawaada WARARKII ugu danbeeyay ee Suuqa kala iibsiga iyo Saxaafada Ingiriiska.

Qadka dhexe ee Manchester City David Silva, oo 31 sano jir ah iyo Samir Nasri oo 29 jir ah ayaa si lama filaan ah loola xariirinayaa horyaalka China, waxaana doonaya macalinkoodii hore ee Manuel Pellegrini ee Hebei Fortune (The Sun)

Pep Guardiola  ayaa dhanka kale ka fakaraya inuu iibiyo weeraryahanka Sergio Aguero  waxana si lama filaan ah loola xariiirnayaa naadiga Chelsea (Sun)

Kooxda Liverpool ayaa aanan ka quusan doonin saxiixa goolhayaha amaahda ugu maqan ee Man City Joe Hart, Klopp ayaana ka dhigan doona bartilmaameedkiisa koobaad kuleylaha soo socda (The Sun)

Qadka dhexe ee kooxda Monaco Bernardo Silva ayaa bartilmaameed u ah kooxda Manchester United dhamadka xili ciyaareedkan, tababare Jose Mourinho ayaana doonaya inuu shaxdiisa ku adkeeyo (Daily Mail)

Juventus ayaa si lama filaan ah ugu biirtay tartanka loogu jiro goolhayaha 17 sano jirka ah ee  Gianluigi Donnarumma si uu unoqdo badalka Buffon, Xidigan oo sidoo kale ay doonayaan Real, Chelsea, iyo Man United ayaa joojiyay qorshe uu heshiis cusub kooxdaas ugu saxiixi lahaa ( The Star)

Daafacii hore ee  Arsenal iyo Tottenham Sol Campbell ayaa aamisan inuu caawin karo weeraryahanka cadaadiska uusaan yahay ee Man City John Stones (Daily Mail)

Madaxweynaha kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaanan dooneyn inuu Man United ka iibiyo 25-jirka weerarka ka ciyaara ee Antoine Griezmann (Telegraph)

Kooxda Marseille ayaa mar sedexaad isku dayaysa iney £26m ku dalbato 29-jirka West Ham Dimitri Payet . (L’Equipe – in French)

Xidigan qadka dhexe ayaase lumin doona lacag dhan £25,000 oo uu qaadan jiray marka uu uciyaaro Hammers kulan walba halka uu diiday inuu haatan ciyaaro (Telegraph)

Garabka West Ham Andre Ayew, oo 27 jir ah ayaa looga shakisan yahay inuu qabo bakteeriyada malaria inkastoo uu uciyaarayo qarankiisa Ghana koobka Africa Cup of Nations, sidaas waxaa laga soo xigtay dhaqtarka qarankiisa (Ghana News Agency)

Kooxda China ka dhisan ee Tianjin Quanjian ayaa dooneysa saxiixa weeraryahanka Leeds  Chris Wood, kadib markii ay ku guul dareysteen saxiixa 28 jirka  Chelsea Diego Costa (ESPN)

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa hoos isaga dhigay hadalkii Joey Barton kaas oo sheegay iney aheyd inuu ku biiro Arsenal, 34 jirkaan kooxda Burnley ayaase sheegay inuu dhowr mar uu la kulmay tababarahan.

Dhanka kale kooxda Gunners ayaa dooneysa iney Everton ka dulqaadaan saxiixa 24 jirka Lyon reer Algeria ee Rachid Ghezzal (The Sun).

Paul Pogba ayaa usheegay ciyaaryahanka Manchester United ee Adnan Januzaj inuu kasoo tago Sunderland oo uu kusoo laabto Old Tarrfotd (The Sun)

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in daafaca 21 jirka ah ee Luke Shaw ay haystaan caqabado adag laakiin ay tahay inuu awood uyeesho inuu boos ka helo kooxda koobaad (Manchester Evening News)

Naadiga Burnley ayaa dalab ku kacaya £13m kku dooneysa 25 jirka Norwich garabka uga ciyaara ee Robbie Brady.

Kooxda Watford ayaa usheegtay West Brom iney ubaahan yihiin lacag ka badan £17m hadii ay doonayaan saxiixa 27-jirka weerarka ciyaara ee Odion Ighalo (Mirror)

Kooxda Arsenal ayaa dooneysa iney heshiis kordhin usameyso 32 jirka reer Spain ee Santi Cazorla kaas oo haatan dhaawac la maqan ( Mirror)

Barcelona ayaa xiiseyneysa 21 jirka qadka dhexe ee Borussia Monchengladbach Mahmoud Dahoud.(Fichajes.com – in Spanish)

Tabbaaraha Middlesbrough Aitor Karanka ayaa sheegay in 20-jirka Adama Traore  uu uqalmo inuu uciyaaro kooxda Chelsea laakiin ay qasab ku tahay inuu wali wax badan ka barto Boro (Times)

Garabka Crystal Palace Andros Townsend, ayaa ubaahan inuu amaah ugu laabto kooxdiiisi hore ee Newcastle 25 jirkaan ayaa sidoo kale lala xariirinayaa kooxda Middlesbrough oo dooneysa badalka 32 jirka Stewart Downing, (Guardian)

Tababaraha Palace Sam Allardyce ayaa isku dayay kuna guul dareystay saxiixa daafaca Arsenal Carl Jenkinson

Naadiga Borussia Dortmund ayaa Manchester United kula tartamaya saxiixa 19-jirka Ajax Kasper Dolberg ( Mirror

Tababaraha Claudio Ranieri ayaa sheegay in kooxdiisa ay wali saxiixyo cusub sameyn doonto bisha, waxaana ay baadi goob ugu jirtaa badalka daafaca 27 jirka ah ee Luis Hernandez, kaas oo kusii jeeda Malaga.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wararkii-wargeysyada-aguero-chelsea-silva-united-hart-liverpool-maxaase-ka-cusub-arsenal-city-kooxaha-kale-ee-ingiriiska/">WARARKII WARGEYSYADA – Aguero – Chelsea, Silva – United, Hart – Liverpool – Maxaase ka cusub Arsenal, City & Kooxaha kale ee Ingiriiska</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *