<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » WARARKII Ugu Danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Caawa – Perisic -Arsenal, Sanchez – Inter & Bale oo dagaal ka dhex abuuray Jose & Conte

WARARKII Ugu Danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Caawa – Perisic -Arsenal, Sanchez – Inter & Bale oo dagaal ka dhex abuuray Jose & Conte

Galabnimo wanaagsan dhamaan Akhristayaasha Laacibiin.com kuna soo dhawaada Wararkii ugu danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga ciyaaryahanada.

Kooxaha Arsenal, Chelsea, Man United, Liverpool iyo Man City ayaa ciwaanada waa weyn ee Suuqa Kala Iibsiga galabta ku qoran.

INTER oo PERISIC ku badaleneysa ALEXIS

Inter ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday in Arsenal ay ubandhigi doonto Ivan Perisic ayna ugu badalato weeraryahanka Alexis Sanchez sidaas waxaa sheegaya saxaafada Italy.

Kooxda Nerrazzurri ayaa baadi goobeysa iney ciyaaryahano waa weyn keento garoonkeeda Sanchez ayaana kamid ah liiska xidigaha lala xariirinayo.

CHELSEA ayaa sidoo kale dooneysa Perisic kaas oo si weyn uga dhex muuqday horyaalka Talyaaniga kulamadii ugu danbeeyay.

LIVERPOOL iyo Arsenal oo isku haysta hal ciyaaryahan

Jurgen Klopp ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqaya inuu lasoo saxiixdo daafac bidix si uu ubadalo James Milner sidaas wargeyska Daily Star ayaa sheegaya.

Kooxda Funaanad gaduuda ayaa dooneysa daafaca Fulham Ryan Sessegnon iyo daafaca kale ee Schalke Sead Kolasinac, laakiin kooxda Arsenal ayaa sidoo kale dooneysa saxiixa ciyaaryahanada.

ARSENAL oo Wakiilo udirtay DANILO

Arsenal ayaa saraakiil udirtay horyaalka Portugal si ay usoo daawadaan qadka dhexe ee Porto Danilo, sidaas waxaa sheegaya wargeyska A Bola.

Qadkan dhexe ayaa €40 million lagu bur burin karaa heshiiskiisa, waxaana uu wacdaro ka dhigayaa horyaalka dalkiisa.

DORTMUND Oo Real ka dulqaaday ISAK

Borussia Dortmund ayaa dhameystirtay saxiixa weeraryahanka AIK Alexander Isak kooxda reer Germani ayaa sidaas xaqiijisay.

17-jirkaan ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay  Zlatan Ibrahimovic cusub, waxaana uu iska diiday Real Madrid laakiin   €10m ayuu ugu biiray kooxda Germani ka dhisan.

MAN UTD & CHELSEA oo doonaya Bale

Manchester United iyo Chelsea ayaa si lama filaan ah €200 million ku doonaya saxixia garabka Real Madrid  Gareth Bale sidaas saxaafada Spain ayaa sheegeysa.

Kooxaha Horyaalka Ingiriiska ayaa doonaya iney weeraryahankan reer Wales kusoo celiyaan horyaalka Ingiriiska, ayna ka dhigaan xidiga aduunka ugu qaalisan.

MARKOVIC oo amaah ugu biiraya Hull

Liverpool ayaa albaabada ufureysa iney garabka Lazar Markovic amaah inta ka dhiman xili ciyaareedkan ah ku siiso kooxda Hull City.

City oo Dooneysa Saxiixa N’Zonzi

Kooxda Man City ayaan ka quusan helida xidigii hore ee kooxaha Stoke iyo Blackburn Steven N’Zonzi, sidaas saxaafada Spain ayaa sheegeysa

PSG IYO REAL OO KU DAGAALAMAYA ALLI

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa si weyn udooneysa saxiixa Adam Lallana, hase ahaatee waxaa ay sidoo kale Real Madrid kula biirtay xiisaha kubad sameeyaha naadiga Tottenham Dele Alli.

RIIX HALKAN: AKHRI WARARKII UGU DANBEEYAY EE SUUQA KALA IIBSIGA OO DHAN

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wararkii-ugu-danbeeyay-ee-suuqa-kala-iibsiga-caawa-perisic-arsenal-sanchez-inter-bale-oo-dagaal-ka-dhex-abuuray-jose-conte/">WARARKII Ugu Danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Caawa – Perisic -Arsenal, Sanchez – Inter & Bale oo dagaal ka dhex abuuray Jose & Conte</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *