<

Home » Horyaalada » Premier League » WARARKII UGU DAMBEEYAY Suuqa Kala iibsiga: Arsenal, Chelsea, Man Utd, Juventus oo Heshiisyo Ku Dhaw- Yay Dooneysaa Kooxdaada??

WARARKII UGU DAMBEEYAY Suuqa Kala iibsiga: Arsenal, Chelsea, Man Utd, Juventus oo Heshiisyo Ku Dhaw- Yay Dooneysaa Kooxdaada??

ASC kulan wacan dhamaan aqristayaasheena sharafta badan meelkasta oo aad joogtaan, waxaa shabakadda laacibiin.com halkaan idin kugu soo gudbin doontaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda iyo sheekooyinka xanta ah ee wargeysyada qorayaan maanta oo sabti ah.

Chelsea oo wadahal la furtay  Kolasinac

Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta daafaca Schalke Sead Kolasinac, sida ay sheegayaan wararka lagu daabacay Calcio Mercato.

Blues ayaa tartan kala kulmeysa kooxda heysata horyaalka Serie A Juventus haddii ay doonayaan saxiixaan.

Pato oo ku biiray Horyaalka CSL

Alexandre Pato ayaa noqday ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee ku biira Chinese Super League, sida laga soo xigtay Gianluca Di Marzio.

Weeraryahanka reer Brazil ayaa haatan ka dhaqaaqay kooxda Villarreal, lisagoo si rasmi ah ugu biiray kooxda Tianjin Quanjian.

Rooney oo diyaar u ah inuu dhaqaaqo

Wayne Rooney ayaa go’aansaday inuu ka tago Manchester United xagaagan si uu £ 1 milyan oo heshiis-ah isbuucii kaga qaato koox ka dhisan China, sida ay qortay The Sun.

Weeraryahanka reer England ayaa diyaar u ah inuu ka xamaasho Chine Super-League.

Payet oo ku dhaw ka tagista West Ham

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham Dimitri Payet ayaa ku dhaw inuu ka tago Premier League si uu ugu biiro Marseille, sida lagu sheegay warbixinta Sky Sports.

Waxaa weli xiddiga reer France uu heshiis kula jiraa kooxda Hammers oo lasoo wareegtay bedelkiisa Robert Snodgrass

Watford oo ka fiirsaneysa iibint Ighalo

Watford ayaa ka fiirsaneysa inay £ 27.5 million kooxda Shanghai Shenhua kusiiso weeraryahanka Odion Ighalo, sida laga soo xigtay Daily Mirror.

xidiga Nigeria ayaa ku dhibtooday inuu bandhig wanaagsan helo xilli ciyaareedkaan iyadoo kooxda Chinese Super League ay dooneyso inay ku lamaaneyso Carlos Tevez qeybta weerarka.

Dybala oo heshiis cusub saxiixaya

Paulo Dybala ayaa ku dhow inuu u saxiixo heshiis cusub kooxda Juventus, sida gianlucadimarzio.com.

Weeraryahanka reer Argentina ayaa lala xiriirinayaa Manchester United, Barcelona iyo Madrid.

Tolisso Oo heshiis la gaaray Juve

Juventus ayaa heshiis € 40 million kula soo wareegeysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lyon Corentin Tolisso xagaagan, sida laga soo xigtay wariye Talyaani Alfredo Pedulla.

22-sano jirkaan ayaa ku dhawaa inuu ku biiro kooxda Napoli xagaagii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu go’aansaday inuu sii joogo horyaalka Ligue 1 sannad kale, isagoo haatan ogolaaday inuu u dhaqaaqo Turin.

Morata oo aan rabin la shaqeynta Zidane

Alvaro Morata ayaa ka tagi doona Real Madrid hadii Zinedine Zidane sii ahaanyo tababaraha kooxda xilli ciyaareedka soo socda, sida ay Cadena SER.

Weeraryahanka ayaa ku qanacsan in uu ka tago Santiago Bernabeu.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wararkii-ugu-dambeeyay-suuqa-kala-iibsiga-arsenal-chelsea-man-utd-juventus-oo-heshiisyo-ku-dhaw-yay-dooneysaa-kooxdaada/">WARARKII UGU DAMBEEYAY Suuqa Kala iibsiga: Arsenal, Chelsea, Man Utd, Juventus oo Heshiisyo Ku Dhaw- Yay Dooneysaa Kooxdaada??</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *