<

Home » Horyaalada » Premier League » WARARKII Suuqa Maanta oo Jimco ah – Jose oo diyaarsaday 130 Milyan, Xaalada Wenger, Qorshaha Chelsea & Warar kale oo xasaasi ah

WARARKII Suuqa Maanta oo Jimco ah – Jose oo diyaarsaday 130 Milyan, Xaalada Wenger, Qorshaha Chelsea & Warar kale oo xasaasi ah

Asww Jimco wanaagsan dhamaan Akhristayaasha Sharafta leh ee Laacibiin.com kuna soo dhawaada Wararkii ugu danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga ciyaaryahanada iyo Waxyaabihii ay wargeysyada ENGLAND ka qoreen.

Griezmann oo ugu horeeya liiska ay United ku bixineyso £130M

Antoine Griezmann ayaa ugu horeeya ciyaaryahanada ay Man United dooneyso xagaagan marka uu dhamaadol, waxaana ay udiyaariyeen lacag dhan £130 million, sidaas waxaa sheegaya wargeyska Daily Mail.

Weeraryahanka Atletico Madrid Griezmann ayaa ah bartilmaameedka koobaad ee Jose Mourinho halka daafaca Benfica Victor Lindelof uu isna yahay xidig kale oo laga doonayo Old Trafford.

Zlatan Wuu ufuran yahay inuu aado Napoli

Weeraryahanka Kooxda Manchester United Zlatan Ibrahimovic,ayaa ufuran inuu ka fiirsado hadii uu ku biirayo kooxda Napoli.

Wakiilka 35 jirkaan, Mino Raiola ayaa sheegay in kooxda Napoli ay tahay koox weyn isla markaana ay tahay meel ku haboon halyaygii qarabka Sweden oo haatan xili wanagsan ku qaadanaya naadiga Man United.

Taageerayaasha Arsenal oo qasbaya in Wenger la ceyriyo

Taageerayaasha Arsenal ayaa ka fakaraya iney xoojiyaan mudaharaadka ka dhanka ah tababare Arsene Wenger kadib markii uu kooxda ku hogaamin waayay horyaalka dalkaas mudo 13 sano ah.

Wargeyska Metro ayaa qoraya sheeko ah in macalinkan reer france uusan wax ixtiraam ah ka heleyn taageerayaasha kooxda, waxaana lala xariirinayaa in badalkiisa ay ka dhigan doonaan Allegri-ga Juventus ama Semeone-ga Atletic Madrid.

Mustaqbalka Benitez ee Newcastel oo shaki ku jiro

Mustaqbalka mudada dheer ee Rafa Benitez ee kooxda Newcastle United ayaa umuuqda mid aan lahubin kadib markii tababarahan uu ku dhibtooday suuqa kala iibsiga bishii January

Saxaafada Ingiriiska ayaa sheegeysa in macalinkan balantii looga baxay maadaama ixtiraan lagu siin waayay inuu lasoo saxiixdo bartilmaameedyadii uu suqa ka doonayay

_93930729_mirror-1

Lampard oo mushaar waali ah iska diiday

Frank Lampard ayaa iska diiday dalab cajiib ahaa oo uga yimid China iyadoo tababarihii hore ee City Manuel Pellegrini, uu usoo bandhigay inuu kula biiro kooxdiisa, sidaas waxaa sheegaya Wargeyska Daily Star.

Kooxda Hebei China Fortune ayaa mushaar dhan £450,000 todobaadkii usoo bandhigtay ciyaaryahankan, laakiin xidigii hore ee Chelsea ayaa iska diiday dalabkan iyo dalab kale oo uga yimid kooxda Swansea City.

Koox Arda Turan ku dooneysa €100M

Arda Turan  ayaa noqonaya ciyaaryahanki ugu danbeeyay ee lacag waali ah looga soo sheego horyaalka China sidaas waxaa sheegaya  beIN Sports Turkey.

Qadka dhexe ee Barcelona ayaa lagu dalbaday lacag dhan €100 million si uu afar sano oo heshiis ah ugu saxiixo koox ka dhisan China, wakiiladiisa ayaana la filayaa iney heshiiskaas soo dhameeyaan maalmaha soo socda.

Macalin Mancini oo kusoo laabanaya Horyaalka EPL

Roberto Mancini ayaa sugaya inuu wicitaan ka helo magaalada London isagoo doonaya shaqada West Ham hadii tababare Slaven Bilic uu ku guul dareysto inuu saxo xaalada kooxdaas sidas waxaa sheegaya wargeyska Daily Mirror.

Naadiga Hammers-ka ayaa guuldaro 4-0 ah kala kulantay Manchester City arbacadii, macalinkii hore ee Inter Milan ayaana fahansan in shaqadaas loogu yeeri doono.

_93930729_mirror

Carrick oo loo sheegay inuu dhimo mushaarkiisa

Michael Carrick ayaa ku qasban inuu mushaar dhimis ogolaado si uu ukordhiyo heshiiskiisa kooxda Old Trafford ka dhisan sidaas waxaa sheegaya The Sun

Qabiirkan qadka dhexe ayaa haatan heshisikiisa u dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkan, tababare Jose Mourinho ayaana doonaya inuu yareeyo mushaarkiisa ah £70,000 todobaadkii hadii uu kooxda sii joogayo.

Real oo Inter Milan kula dagaalameysa Aguero

Kooxda Inter Milan ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa weeraryahanka Man City Sergio AGUERO kaas oo iska waayay shaxda kooxdiisa kulankii ugu danbeeyay.

Laakiin naadiga Real Madrid ayaa haatan kaga horeysa xiisaha xidigan qaranka Argentine, macalin Zidane ayaana doonaya in 28 jirkaan uu ka dhigto badalka labada weeraryahan ee ay xaaladu ku xun tahay Benzema iyo Morata.

West Ham oo Chelsea kula dhegan goolhaye Hart

West Ham ayaa qorsheyneysa iney dalab dhan £15 million ka gudbiso goolhayaha  Manchester City Joe Hart, sidas waxaa sheegaya The Sun

Macalin Slaven Bilic ayaa diyaar u ah inuu Chelsea ka dulqaado saxiixa goolhayaha koobaad ee qaranka Ingiriiska kiaas oo sidoo kale lala xaririinayo inuu ku biirayo Kooxda Stamford Bridge ka dhisan, laakiin xidigan ayaa doonaya mushaar dhan £100,000 todobaadkii

Isoc oo diiday inuu heshiis cusub usaxiixo R.Madrid

Isco ayaa iska diiday heshiis cusub oo ay usoo bandhigtay kooxda Real Madrid, waxaana uu doonayaa inuu dhagaysto dalabyada u imaanaya marka uu dhamaado xili ciyaareedkan, sidaa swaxaa sheegaya TV-Ga Spain laga leeyahay ee La Sexta

Xidiga qadka dhexe ee qaranka Spain ayaa heshiiskiisa Real waxaa uu dhacayaa 2018 laakiin waxaa uu haatan isha ku hayaa inuu kooxdaas ka tago, waxaana si weyn udoonaya kooxaha Arsenal, Manchester United, Tottenham iyo Chelsea.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wararkii-suuqa-maanta-oo-jimco-ah-jose-oo-diyaarsaday-130-milyan-xaalada-wenger-qorshaha-chelsea-warar-kale-oo-xasaasi-ah/">WARARKII Suuqa Maanta oo Jimco ah – Jose oo diyaarsaday 130 Milyan, Xaalada Wenger, Qorshaha Chelsea & Warar kale oo xasaasi ah</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *