<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » WARARKII Suuqa Kala Iibsiga & Caawa: Kooxaha Ingiriiska oo Suuqa Isku dilaya United, Arsenal, L’pool, Chelsea, Barca, Real – Heshiiyada loo dhow yahay & Wararkii ugu danbeeyay…

WARARKII Suuqa Kala Iibsiga & Caawa: Kooxaha Ingiriiska oo Suuqa Isku dilaya United, Arsenal, L’pool, Chelsea, Barca, Real – Heshiiyada loo dhow yahay & Wararkii ugu danbeeyay…

ASCWW Kulanti Wanaagsan Dhamaan Akhristayaasha Laacibiin.com kuna soo dhawaada Wararkii ugu danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga Caawa.

Arimaha ugu waa weyn Suuqa Kala Iibsiga ayaa habeen walba kala socon kartaan Shabakada Wararka ciyaaraha ee Laacibiin.com.

Mustaqbalka Martial ee United oo Halis ku jira

Anthony Martial ayaa la ogaanayaa in mustaqbalkiisa Old Trafford uu halis ugu jiro kadib markii ay isku dhaceen Jose Mourinho.

Macalinka reer Portugal ayaa sheegay in xidigan qaranka france uu ka faa\ideysan waayay fursadii la siiyay, waxaase lala xariirinayaa inuu ka tagi doono.

Klopp oo uwaalanaya daafac ka ciyaara Bidix

LIVERPOOL ayaa wakiilo udirtay horyaalka Denmark si ay usoo qiimeeyaan xaalada daafaca bidix ee Riza Durmisi.

James Milner oo haatan booskaas ka ciyaara ayuu Klopp doonayaa inuu helo badalkiisa maadaama kooxdiisa ay daafaca ka dhibtooneyso.

Bidixle Robin Van Persia oo raacaya Wadadii Drogba

ROBIN VAN PERSIE ayaa raadsanaya koox cusub waxaana uu raaci doonaa wadadii uu  Didier Drogba ku aaday horyaalka Brazil, sidaas saxaafada ayaa sheegeysa

Weeraryahanka reer Holland ayaa lasoo sheegayaa inuu bartilmaameed buuxa uyahay kooxda Sao Paulo.

IVANOVIC OO DOORANAYA KOOX CUSUB

Daafaca aan booska ka haysan Chelsea ee Branis Ivanovic ayaa iska diiday inuu ku biiro kooxaha Everton ama Crystal Palace, isagoo diyaar u ah inuu udhaqaaqo naadiga Zenit Petersburg.

Kooxda Ruushka ka dhisan ayaa mushaar qaali ah usoo bandhigeysa daafacan Chelsea mudada dheer joogay ee Serbia kasoo jeeda.

United, Liverpool iyo Arsenal oo Hal Ciyaaryahan Isku haysta

Kooxaha Liverpool, Man United iyo Arsenal ayaa ku dagaalamaya saxiixa qadka dhexe ee kooxda FC Porto Danilo Pereira.

Xidigan ayaa si weyn uga dhex muuqda kooxda Portugal ka dhisan waxaase lagu heli karaa lacag dhan 51 Milyan sidaas wargeyska The Sun ayaa sheegaya.

Wayne Rooney oo Mushaar waali ah ka helaya China

Wayne Rooney ayaa booskiisa Man United sii weynaya, waxaana uu ku qasban yahay inuu koox cusub raadsado.

Si kastaba Xidigan ayaa loo balan qaaday mushaar dhan £600,000- todobaadkii, waase inuu ku biiro kooxda China ka dhisan ee Shanghai Shenhua

DAAFAC LA ISKU HAYSTAY OO KOOXDIISA JOOGAYA

Kooxaha Ingiriiska ayuu bartilmaameed u ahaa daafaca Andrea Ranocchia laakiin waxaa uu sii joogi doonaa kooxdiisa Inter Milan sidaas wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa qoraya.

Dortmund oo Weeraryahan ka iibisay Horyaalka China

Kooxda Dortmund ayaa ku dhawaaqday iney  31-jirka weerarka ka ciyaara ee Ramos ay ka iibisay kooxda Chongqing Lifan ee horyaalka China.

Weeraryahankan ayaa xili ciyaareedka 2017-18 ku biiri doona horyaalka bariga fog kadib markii naadiga reer Germani loo gacan geliyay lacag dhan €12 million, laakiin inta ka dhiman xili ciyaareedkan waxaa uu amaah ku qaadanayaa kooxda Granda ee horyaalka Spain.

KESSIE oo laga saaray Suuqa Kala Iibsiga

Chelsea ayaa aad ugu xun iney heli weysay saxiixa qadka dhexe ee Atalanta Franck Kessie,kadib markii kooxda Italy ka dhisan ay suuqa ka saartay xidigan inta ka dhiman xili ciyaareedkan sidaas waxaa sheegaya Sky Sport Italy

Atalanta ayaa kasoo diiday Chelsea €25 million halka kooxda france ka dhisan ee Paris Saint-Germain, Man United iyo Barcelona ay doonayaan saxiixooda.

CHELSEA oo baadi goobeysa Goolhaye cusub

Chelsea ayaa udhaqaaqday saxiixa goolhayaha Celtic Craig Gordon sidaas waxaa sheegaya Daily Mail

Warar kale ayaa sheegaya in kooxda Celtig ay soo diiday iibinta goolhayahaan waxaana macalin Conte uu doonayaa badalka Asmir Begovic kaas oo kooxda ka tagaya bishan January.

NIANG oo amaah ugu biiray Watford

AC Milan ayaa amaah ku bixisay weeraryahankeeda M’Baye Niang kaas oo ku biiraya Watford ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan, waxaase heshiiskiisa laga dhigi karaa mid joogta ah hase ahaatee kooxda Ingiriiska ka dhisan ayaa 13 Milyan laga doonayaa sidaas The Sun ayaa qoreysa.

MARSEILLE oo heshiis la gaartay Payet

Marseille ayaa usheegtay kooxda West Ham iney bixin doonto £25 million si ay uhesho Dimitri Payet, wargeyska The Sun ayaana sheegaya in xidigan reer France uu qalinka ku duugay heshiis afar sano iyo bar ah oo ku kacaya 35 Milyan.

CHELSEA OO KU KALSOON SAXIIXA VIDAL

Kooxda Chelsea ayaa  £56m ku dalban doonta qadka dhexe ee Arturo Vidal hase ahaatee kooxda Bayern Munich ayaanan iibin doonin ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan.

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in xidigan uu bilaabay barashada luqada Ingiriiska si uu ula midoobo macalinkiisii hore ee Antonio Conte oo ay kawada shaqeeyeen Juventus.

 

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wararkii-suuqa-kala-iibsiga-caawa-kooxaha-ingiriiska-oo-suuqa-isku-dilaya-united-arsenal-lpool-chelsea-barca-real-heshiiyada-loo-dhow-yahay-wararkii-ugu-danbeeyay/">WARARKII Suuqa Kala Iibsiga & Caawa: Kooxaha Ingiriiska oo Suuqa Isku dilaya United, Arsenal, L’pool, Chelsea, Barca, Real – Heshiiyada loo dhow yahay & Wararkii ugu danbeeyay…</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *