<

Home » Horyaalada » Premier League » WARARKII Suuqa Kala Iibsiga: Arsenal, Chelsea, United, L’Pool & City – Saxiixyada ay ku dhow yihiin Kooxaha Ingiriiska

WARARKII Suuqa Kala Iibsiga: Arsenal, Chelsea, United, L’Pool & City – Saxiixyada ay ku dhow yihiin Kooxaha Ingiriiska

ASCWW Dhamaan Akhristayaasha Laacibiin.com kuna soo dhawaada Wararkii ugu danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga ciyaaryahanada iyo Saxaafada Ingiriiska

Kooxda Liverpool ayaa heshiis shan sano ah ka saxiixatay 24 jirka qadka dhexe ee Philippe Coutinho, isagoo qaadan doona mushaar dhan £200,000 todobaadkii (Mirror)

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa doonaya inuu kordhiyo qandaraaskiisa City uuna saxiixo heshiis shano sano ah si uu kooxda dib ugu dhiso (The Sun)

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa rajeynaya inuu udhaqaaqo saxiixa qadka dhexe ee Bayer Leverkusen Julian Brandt (Express)

Manchester United ayaa isha ku haysa iney kordhiso dhismaha garoonka Old Trafford iyadoo la gaarsiin doono 88,000. (Daily Mail)

Weeraryahanka United iyo qaranka France Anthony Martial, ayaanan loo ogolaan doonin inuu kooxdiisa kala qeyb galo ciyaarta Hull City, kadib markii ay isku dhaceen tababare Mourinho, 21 jirkaan ayaana suura gal ah inuu amaah kaga tago kooxda bishan ( Express)

Kooxda Liverpool ayaa wadahadal kula jirta naadiga Sporting Lisbon iyadoo ka dooneysa saxiixa 24-jirka qadka dhexe ee William Carvalho, kaas oo lagu qiimeeyo £26m. (A Bola – in Portuguese)

Qorshaha kooxda West Ham ee tababarka bisha February ayaa laga saaray 29-jirka kooxdaas Dimitri Payet. (Daily Mail)

Macalinka Crystal Palace Sam Allardyce ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo 26 jirka qadka dhexe ee  Rubin Kazan Yann M’Vila, kaas oo uu kusoo maamulay naadiga Sunderland waxaase lagu qiimeeyaa £11m (Daily Telegraph)

Dhanka kale kooxda Palace ayaa isha ku haysa iney lasoo saxiixato daafacii kusoo fashilmay Blackburn Rovers iyo QPR Christopher Samba. 32-jirkaan ayaana wax koox ah joogin tan iyo markii uu kasoo tagay Panathinaikos. (Croydon Advertiser)

Hull ayaa xiiseyneysa 19 jirka Genk garabka ka ciyaara ee Leon Bailey, kaas oo lagu qiimeeyo £10m (Daily Mail_)

Dhanka kale Hull, ayaa kula tartameysa Swansea, West Ham iyo Zenit St Petersburg saxiixa daafaca 28 jirka ah ee Inter Milan Andrea Ranocchia (.(Gazzetta dello Sport – in Italian)

Weeraryahanka Fiorentina Mauro Zarate ayaa ku biiraya kooxda Watford, laakiin 29 jirkaan ayaa wali ku sugan Italy (  (Hertfordshire Mercury)

Qadka dhexe ee 31 jirka ah Stoke Charlie Adam ayaa bartilmaameed u ah kooxda Turkey ka dhisan ee Fenerbahce.(ESPN)

Naadiga West Brom ayaa hoos udhigeysa xiisaha 27 jirka weerarka ka ciyaara Odion Ighalo, laakiin macalin Tony Pulis ayaa wali ubaahan hal saxiix bishan January (Express iyo Star)

Kooxda Newcastle ayaa hogaamineysa dagaalka loogu jiro saxiixa Modou Barrow oo katirsan Swansea. 24-jirkaan ayaana shaxda kooxdaas kasoo muuqan tan iyo markii uu tababare Paul Clement kooxdaas la wareegay (Evening Chronicle)

Dhanka kale Newcastle ayaa isku dayaysa iney dib ula soo saxiixato garabka Andros Townsend, 25 jirkaan ayaana koox raadsanaya kadib markii uu Crystal Palace ugu soo biiray £13m bishii Julay. (Daily Star)

Qadka dhexe ee Manchester City iyo qaranka England Fabian Delph ayaa sheegay inuusan dooneyn in kooxdiisa uu ka tago isla markaana uu doonayo inuu sii hoos joogo macallin Pep Guardiola.

Macalinka Sevilla Jorge Sampaoli ayaa shaaca ka qaaday inuu iska diiday shaqada Chelsea kahor inta aysan kooxdaas la saxiixan Antonio Conte (Mirror).

Walaalka la dhashay Antoine Griezmann ayaa sii xoojinaya in xidigan uu ku biiri doono Manchester United kadib markii uu soo dhigay sawirka Old Trafford bogiisa Twitter (The Sun).

Lionel Messi ayaanan wali wax heshiis ah loo soo bandhigin, hase ahaatee kooxdiisa Barcelona ayaa ku kalsoon inuu heshiis cusub saxiixi doono (The Sun)

Arsenal ayaa fursad weyn uheysata saxiixa weeraryahanka  Alexandre Lacazette, waxaana uu sugayaa heshiis macquul ah kadib markii uu waayay sanadkii hore xidigii uu kooxda ugu jeclaa ee Samuel Umtiti (Telegraph).

Fulham ayaa kooxda Werder Bremen kala heshiisay 25-jirka qadka dhexe ee Athanasios Petsos qaab amaah ah  (WestLondonSport)

Everton ayaa £8m dalab ah ku dooneysa 25 jirka qadka dhexe ee Werder Bremen Thomas Delaney, laakiin kooxda Germani ka dhisan ayaa lacag intaas ka badan dooneysa.

Kabtanka Manchester United Wayne Rooney, ayaa sheegay inuu mustaqbalka uu noqon doono tababare (ESPN)

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa isha ku haya goolhayaha 35 jirka ah ee kooxda Espanyol Diego Lopez, kaas oo amaah uga soo tagay AC Milan, xili uu baadi goobayo badalka 24 jirka gosha uqabta ee Thibaut Courtois, (The Sun)

Macalinka qaranka Italy Giampiero Ventura ayaa albaabada ufuray weeraryahankii hore ee Liverpool iyo Manchester City Mario Balotelli oo 26 jir ah haatana ku sugan Nice, dib uu ugu soo laabto qaranka Italy (Indepdent)

Naadiga Aston Villa ayaa qadka dhexe ee qaranka Iceland Birkir Bjarnason, kula soo saxiixan doonta lacag dhan £1.7m waxaana uu uga imaan doonaa naadiga Basel. (Birmingham Mail)

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wararkii-suuqa-kala-iibsiga-arsenal-chelsea-united-lpool-city-saxiixyada-ay-ku-dhow-yihiin-kooxaha-ingiriiska/">WARARKII Suuqa Kala Iibsiga: Arsenal, Chelsea, United, L’Pool & City – Saxiixyada ay ku dhow yihiin Kooxaha Ingiriiska</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *