<

Home » Horyaalada » Premier League » WARARKII CAAWA & Suuqa Kala Iibsiga: Dembele – Chelsea, Benzema – Arsenal – Qorshaha Mourinho, City, Liverpool & Wararkii ugu danbeeyay

WARARKII CAAWA & Suuqa Kala Iibsiga: Dembele – Chelsea, Benzema – Arsenal – Qorshaha Mourinho, City, Liverpool & Wararkii ugu danbeeyay

Ascww kulanti wanaagsan dhamaan Akhristayaasha Laacibiin.com kuna soo dhawaada Wararkii ugu danbeeyay ee Suuqa Kala Iibsiga ciyaaryahanada oo gabo gabo ah.

Kooxaha ayaa si weyn suuqa ugu jira si ay saxiixyo lama filaan ah usameeyaan daqiiqada ugu danbeeya, iyadoo shanta koox ee ugu waa weyn horyaalka la filayo iney saxiixyo cusub sameeyaan

CHELSEA oo dalab ka gudbisay Dembele

Kooxda Chelsea ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa weeraryahanka Celtic Moussa Dembele, sidaas waxaa sheegaya wargeyska Sky Sports

Tababare Antonio Conte ayaa si weyn udoonaya weeraryahan cusub, hase ahaatee kooxda Stocland ka dhisan ayaa dooneysa £40 million.

GABBIADINI oo ku biiray SAINTS

Kooxda Southampton ayaa kala heshiisay Napoli saxiixa weeraryahanka Manolo Gabbiadini sidaas waxaa sheegeysa Sky Sports

Naadiga Saints ayaa bixin doonta lacag dhan €17 million si ay udhameystirto heshiiska xidigan qaranka Talyaaniga.

IVANOVIC oo ku dhow ZENIT

Daafaca kooxda Chelsea Branislav Ivanovic ayaa ku dhow inuu ku biiro kooxda Zenit St. Petersburg, waxaana heshiiskiisa lasoo gaba gabeyn doonaa 24-ka saac ee soo aadan, sidaas Sky Sports ayaa sheegaya.

Daafaca qaranka Serbia ayaa ku guul dareystay inuu boos ka helo shaxdiisa Antonio Conte tan iyo markii uu yimid Stamford Bridge, xidigan ayaana heshiis rasmi ah la gaaray kooxda Ruushka ka dhisan.

LIVERPOOL OO GOOLHAYE KA DOONEYSA SPAIN

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa udhaqaaqaya saxixia goolhayaha Real Betis Antonio Adan, sidaas waxaa sheegeysa saxaafada Spain.

GIBSON & OVIEDO oo ku biiraya SUNDERLAND

Labada ciyaaryahan ee Everton Darron Gibson iyo Bryan Oviedo ayaa tijaabo caafimaad umaraya kooxda Sunderland, sidaas Sky Sports ayaa sheegaya

Xidigii hore ee Manchester United Gibson iyo Oviedo, oo labadoodaba kasoo hoos ciyaaray Moyes waayihisii Goodison Park, ayaa la filayaa iney ku biiraan kooxdaas.

Oviedo oo ku biiray Sunderland

Oviedo oo ku biiray Sunderland

BENZEMA oo bartilmaameed u ah ARSENAL

Kooxda Real Madrid ayaa suuqa soo dhigtay weeraryahanka Karim Benzema waxaase isku haysta kooxaha  Arsenal iyo Chelsea

Madaxweynaha Madrid Florentino Perez ayaa lumiyay dulqaadkiisii 29 jirkaan, waxaana sidoo kale doonaya kooxaha PSG iyo Lyon.

ARSENAL oo aanan ka quusan tababare ALLEGRI

Arsenal ayaa wadahadal kula jirta wakiilada Juventus Max Allegri, sidaas waxaa sheegaya wargeyka Express.

Macalin Arsene Wenger ayaanan wali heshiis cusub usaxiixin Emirates Stadium, waxaana macquul ay tahauy inuu ku biiro Arsenal xagaagan macalin ALLEGRI.

CHELSEA OO KU LAABATAY GOOLHAYE GORDON

Celtic ayaa dooneysa iney £3.5 million ku iibiso goolhayaheeda Craig Gordon, kaas oo bartilmaameed u ah Chelsea sidaas waxaa sheegaya wargeyska Daily mail.

Macalin Conte ayaa dalab dhan £2.5m laga soo diiday, waxaana uu wali raadinayaa badalka Asmir Gegavic.

Sunderland oo ku dhow Saxiixa weeraryahan

Kooxda Sunderland ayaa ku dhawaaneysa saxiixa weeraryahanka Leicester Leonardo Ulloa inkastoo laga soo diiday dalab ah £3m, laakiin xidigan ayaa sheegay in kooxdaas uusan mar danbe uciyaari doonin.

CHELSEA OO KALI KU NOQOTAY DAAFAC KATIRSAN SCHALKE

Juventus ayaa ka baxday xiisahihii ay uqabtay daafaca bidix ee Schalke  Sead Kolasinac, xidigan ayaana la filayaa inuu goordhow gaaro London si uu Chelsea ugu biiro.

CHELSEA OO SAXIIX KALE OO LAYAAB LEH SAMEYN KARTA

Sky SPorts ayaa goordhow qoray sheeko layaab leh taas oo ah in Chelsea oo baadi goobeysa weeraryahan cusub ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqeyso saxiixa Leonardo Ulloa kaas oo sheegay inuu ka tagayo Leicester.

DAAFAC KATIRSAN INTER OO ENGLAND KUSOO JEEDA

DaafacaInter Milan Andrea Ranocchia ayaa ogolaaday inuu udhaqaaqo kooxda Ingiriiska ka dhisan ee Hull City, sida ay sheegeyso Sky Italy xidigan ayaa amaah ku imaan doona kooxdaas.

JESE OO KU LAABANAYA KOOXDIISII HORE

Kooxda Las Palmas ayaa ku dhawaaneysa saxixia weeraryahanka  PSG Jese Rodriguez, saxaafada Spain ayaa sidaas sheegeysa

Milan, Liverpool iyo Middlesbrough ayaa doonayay saxiixa 23 jirkaan laakiin waxaa ay ubadan tahay inuu ku laabto kooxdii uu kusoo bar baaray.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wararkii-caawa-suuqa-kala-iibsiga-dembele-chelsea-benzema-arsenal-qorshaha-mourinho-city-liverpool-wararkii-ugu-danbeeyay/">WARARKII CAAWA & Suuqa Kala Iibsiga: Dembele – Chelsea, Benzema – Arsenal – Qorshaha Mourinho, City, Liverpool & Wararkii ugu danbeeyay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *