<

Home » Horyaalada » Premier League » WARARKA UGU WAA WEYN CAAWA SUUQA: Badalka Aubameyang, Saxiixa United, Qorshaha Conte, Rues oo Arsenal imaanaya, City & WARAR KALE

WARARKA UGU WAA WEYN CAAWA SUUQA: Badalka Aubameyang, Saxiixa United, Qorshaha Conte, Rues oo Arsenal imaanaya, City & WARAR KALE

Suuqa Kala Iibsiga ayaa soo dhamaatay, kooxaha waa weyn ayaase wax macaash ah ka sameyn suuqaas, inkastoo Chelsea iyo Man United ay lacago kasoo xareeyeen xidigihii ay iska iibiyeen.

Laakiin Wali Kooxaha kubada cagta Yurub ayaa sii carbuunanaya xidigaha ay lasoo saxiixan lahaayeen marka uu dib ufurmo suuqa kala iibsiga kuleylaha soo aadan.

Tababaraha Man United Jose Mourinho ayaa maanta sheegay in xili hore uu sii carbuuntay ciyaaryahanada uu lasoo saxiixan doono marka uu horyaalka dhamado, laakiin Maxaa kale oo kooxaha ka cusub

DORTMUND oo heshay badalka  AUBA

Borussia Dortmund ayaa isha ku haysa saxiixa weeraryahanka Athletic Club Inaki Williams si uu unoqdo badalka weeraryahanka Pierre-Emerick Aubameyang, sidaas wargeyska Marca ayaa sheegaya

Aubameyang ayaa rajeynaya inuu inuu ka tago  horyaalka Bundesliga dhamaadka xili ciyaareedkan, kooxdiisa Dortmund ayaana rajeyneysa iney  WIlliams ku bixiso lacag dhan €50 million.

United oo Daqiiqadii ugu danbeysay dalab ka gudbisay LINDELOF

Manchester United ayaa daqiiqadii ugu danbeysay ee Suuqa Kala Iibsiga isku dayday saxixa daafaca Benfica Victor Lindelof sidaas waxaa sheegaya wargeyska Daily Record.

Madaxweynaha Benfica Luis Filipe Vieira iyo Wakiilka xidigan Jorge Mendes ayaa ay ucuntami weysay dalab €30 million ah oo ay United soo gudbisay, waase lasoo diiday, waxaana Mourinho uu udhaqaaqi doonaa saxixiyadiisa bisha June.

JUVE oo dooneysa ANDRE GOMES

Juventus ayaa si lama filaan ah ubaadi goobeysa saxiixa qadka dhexe ee Barcelona Andre Gomes sidaas wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya

Naadiga Bianconeri ayaa mudo weyn raadineysay xidigan qaranka Portugal sii unoqdo badalka Paul Pogba, laakiin Gomes ayaa ku biiray Barcalona, laakiin 23 jirkaan ayaa haatan bartilmaameed u ah kooxda Juvents  hadii uu tababare Luis Enrique ka tago.

LAMELA oo ku laabanaya dalkiisa Argentine

Kooxda River Plate ayaa wada xaajood kula jirta naadiga Tottenham iyadoo isku dayaysa iney dib ula soo saxiixato weeraryahanka Erik Lamela sidaas waxaa sheegaya Radio La Red.

JUVE oo United kula tartameysa KEITA BALDE

Juventus ayaa ku dhawaaneysa iney  Manchester United ku garaacdo saxiixa xidiga Lazio Keita Balde Diao

21-jirkaan ayaa heshiiskiisa Lazio uu dhacayaa June 2018, wakiilkiisa Jorge Mendes ayaana ku riixaya inuu ku biiro kooxda United, laakiin Juventus ayaa haatan si weyn udooneysa xidigan.

ARSENAL oo diyaarineysa £60M si ay uhesho REUS

Arsenal ayaa isku diyaarineysa iney lacag waali ah kusoo iibsato weeraryahanka Borussia Dortmund Marco Reus dhamaadka xili ciyaareedkan sidaas wargeyska Bild ee Germani kasoo baxa ayaa sheegaya.

Xidigan qaranka Germany ayaa fure u ah kooxda Bundesliga ka dhisan sanadihii lasoo dhaafay., laakiin waxaa suuragal ah in £60 million uu ugu soo biiro Arsenal.

CHELSEA oo aanan ka quusan Candreva

Chelsea ayaa dalab dhan €30 million ka gudbisay qadka dhexe ee Inter Antonio Candreva, laakiin kooxda  Serie A-da ka dhisan ayaa soo diiday.

Laakiin Wargeyska La Gazzetta dello Sports ayaa fahansan in macalin Antonio Conte uu isku diyaarinayo in mar kale uu ku laabto Nerrazzuri si uu xidigaas ula soo saxiixdo.

MAN City oo Heshiis cusub ka dooneysa Fernandinho

Fernandinho ayaa wali aanan heshiis cusub ka helin kooxdiisa Manchester City – inkastoo lix kulan gudahood sedex gaduud ah la siiyay hadana Pep Gaurdiola ayaa doonaya inuu heshiis cusub siiyo

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wararka-ugu-waa-weyn-caawa-suuqa-badalka-aubameyang-saxiixa-united-qorshaha-conte-rues-oo-arsenal-imaanaya-city-warar-kale/">WARARKA UGU WAA WEYN CAAWA SUUQA: Badalka Aubameyang, Saxiixa United, Qorshaha Conte, Rues oo Arsenal imaanaya, City & WARAR KALE</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *