<

Home » Horyaalada » Premier League » WARARKA SUUQA Iyo Wargeysyada: Man Utd & Chelsea Oo Raba Bale- Sanchez Oo Ka Tagaya Arsenal Iyo Xiddig Muhiim Ah Oo Imaanaya Kooxda Gunners

WARARKA SUUQA Iyo Wargeysyada: Man Utd & Chelsea Oo Raba Bale- Sanchez Oo Ka Tagaya Arsenal Iyo Xiddig Muhiim Ah Oo Imaanaya Kooxda Gunners

ASCWW, Kulan wacan dhaman aqristayaasheena kusoo dhawaada wararkii ugu waaweyn suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maanta oo isniin ah.

Borussia Dortmund ayaa dhameystiri doonta saxiixa weeraryahanka AIK Alexander Isak maanta oo isniin ah, sida uu sheegay BILD.

17-sano jirkaan reer Swedish, ayaa loogu magac daray NEW Zlatan Ibrahimovic, fwaxaana bartilmaameed uu u ahaa kooxda Real Madrid oo € 10m toddobaadkii la soo dhaafay usoo bandhigtay,

laakiin waxaa la aaminssan yahay inuu ku biiro doono kooxda da’da yar ee macalin Thomas Tuchel ee ciyaarta Bundesliga.

Alexander Isak

MAN UTD & CHELSEA OO RABA BALE

Gareth Bale Real Madrid Legia Warsaw Champions League

Manchester United iyo Chelsea ayaa ka fakareya dalab ilaa €200 million in ay kusoo xerogeliyaan ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Real Madrid Gareth Bale esida lagu sheegay warbaxinta Don Balon.

Labada koox ee Premier League ayaa la sheegay in ay ku tartami doonaan ninka reer Wales oo dhaawac ugu maqan garoomada.

ARSENAL & JUVENTUS

Arsenal ayaa si ay Juventus kaga hesho baahideeda siineysa Alexis Sanchez taasoo la micno ah in Miralem Pjanic uu yimaado Emirates Stadium, sida ay sheegayaan wararka lagu daabacay wargeyska Spanish ee Don Balon.

Xiddiga Gunners ayaa 14 gool oo Premier League ah dhaliyay xilli ciyaareedkan, laakiin waxa lala xiriirinayay inuu ka tagayo waqooyiga London madaama uu heshiiskiisa dhacayo 2018.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wararka-suuqa-iyo-wargeysyada-man-utd-chelsea-oo-raba-bale-sanchez-oo-ka-tagaya-arsenal-iyo-xiddig-muhiim-ah-oo-imaanaya-kooxda-gunners/">WARARKA SUUQA Iyo Wargeysyada: Man Utd & Chelsea Oo Raba Bale- Sanchez Oo Ka Tagaya Arsenal Iyo Xiddig Muhiim Ah Oo Imaanaya Kooxda Gunners</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *