<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » WAR FARXAD LEH: Tababarka Real Madrid oo silama Filaan Loogu arkay Marcelo & James Rodriguez- Miyay Safan Karaan Caawa?

WAR FARXAD LEH: Tababarka Real Madrid oo silama Filaan Loogu arkay Marcelo & James Rodriguez- Miyay Safan Karaan Caawa?

Ka dib markii dhowr toddobaad Real Madrid dhibco lumisay islamarkaana laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay, Zinedine Zidane ayaa ugu danbeyn waxaa usoo yeeray war fiican,

labada ciyaaryahan ee kasoo jeeda koonfurta American Marcelo iyo James Rodriguez ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda Real Madrid.

Xiddiga Colombia ayaa dhaawac ku maqnaa tan iyo bishii January 7 isagoo la shaaciyay inuu soo gaaray jeex muruqa ah’ laakiin wuxuu ka qeyb qaatay tababarka kooxda subaxdii shalay inkastoo si gooni gooni ah uu u tababartay Marcelo.

Labada ciyaaryahan ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda ka hor kulanka La Liga kooxdooda ay ku wajaheyso Real Sociedad.

tababaraha Faransiiska ayaan xulan Karin labada ciyaaryahan si deg deg ah balse waxaa muuqata in ay waqti ka horeeya koodii caadiga ahaa ay kusoo laabteen tababarka.

Real Madrid ayaa aheyd kooxda kaliya ee aan laga badin xilli ciyaareedkan shanta Horyaal ee Europe ugu sareysa laakiin bandhigeeda saboolka ah ayaa bilowday tan iyo markii ay barbaro 3-3 ah la galeen Sevilla.

Taasi waxaa u xigay guuldarro xiriir ah oo saddex maalmood gudahood soo gaartay, kooxda Zidane ayaana lumisay tartanka koobka boqorka markii ay qasaaro kala kulmeen kooxda Celta Vigo.

Maqnaanshaha ciyaartooyda kala ah Marcelo, Isco, James Rodriguez, Raphael Varane, Luka Modric iyo Alvaro Morata oo dhamaan dhaawac ah ayaa la aaminsan yahay in ay ka dambeyso dhibaatada kooxda.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/war-farxad-leh-tababarka-real-madrid-oo-silama-filaan-loogu-arkay-marcelo-james-rodriguez-miyay-safan-karaan-caawa/">WAR FARXAD LEH: Tababarka Real Madrid oo silama Filaan Loogu arkay Marcelo & James Rodriguez- Miyay Safan Karaan Caawa?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *