<

Home » Horyaalada » Premier League » WAR CULUS:- ” Waxa ay ila tahay inay lumiyeen mid kamida hantidooda ugu qaalisaneyd”, waa kee xiddiga uu Rio Ferdinand sheegay inay Liverpool ku qaldan tay inay amaah ku bixiso

WAR CULUS:- ” Waxa ay ila tahay inay lumiyeen mid kamida hantidooda ugu qaalisaneyd”, waa kee xiddiga uu Rio Ferdinand sheegay inay Liverpool ku qaldan tay inay amaah ku bixiso

Daafacii hore ee qaranka Egland iyo Manchester United Rio Ferdinand ayaa aaminsan in kooxda Liverpool ay iska lumisay daaficii ugu fiican, kadib markii uu Mamdou Sakho si amaah ah uga tagay kooxda Liverpool.

Sakho, 26-sano jir ah, ayaa gabi ahaanba laga saaray tababarka Reds, iyadoona macalin Jurgen Klopp uu ogolaaday daqiiqadihii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga, inuu si amaah ah ugu ciyaaro Crystal Palace.

Laakiin ciyaaryahankii hore ee Red Devils Ferdinand ayaa xisaabta ugu daray kooxda Liverpool inay lumiyeen mid kamida hantidooda ugu qaalisaneyd.

Isagoo ka hadlayay BT Sport, Ferdinand ayaa yiri: “Waxaan qabaa inuu yahay daafaca ugu fiican Liverpool haddii uu taam yahay”.

“Xilli ciyaareedkii hore waxa uu ahaa mid aad u wanaagsan, waxaana qabaa inay waayeen isaga xilli ciyaareedkan”.

“Waxa uu noqon doonaa daafac weyn oo ku biiray weyn Crystal Palace, maxaa yeelay waxa uu u caawin doonaa afarta daafac si geesinimo leh”.

Sakho ayaa ku biiray kooxda ku ciyaarta garoonka Selhurst Park , iyadoona naadiga Eagles lagu naaneeso ay ugu danbeyn aaminsan tahay inay si joogta ugal soo saxiixdaan Liverpool laacibka ay haatan amaahda ugu ciyaaraya.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa sii joogi doono koonfurta London inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Sakho ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu u dhaqaaqo caasimada isagoo raja wanaagsan ka muujiyay mustaqbalkiisa ciyaareed inuu halkaas kusoo kabto.

Sakho ayaa yiri: “waan ku faraxsa nahay inaan halkan kusoo biiro, aniga iyo dhamaan qoyskeyga , dabcan waxa ay ii ahyd wax weyn, aad ayaana u xiiseynayay inaan halkaan imaado”.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/war-culus-waxa-ay-ila-tahay-inay-limiyeen-mid-kamida-hantidooda-ugu-qaalisaneyd-waa-kee-xiddiga-uu-rio-ferdinand-sheegay-inay-liverpool-ku-qaldan-tay-inay-amaah-ku-bixiso/">WAR CULUS:- ” Waxa ay ila tahay inay lumiyeen mid kamida hantidooda ugu qaalisaneyd”, waa kee xiddiga uu Rio Ferdinand sheegay inay Liverpool ku qaldan tay inay amaah ku bixiso</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *