<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » WAR BIXIN:- 9 ciyaaryahan oo ay macquul tahay in Red Devils ay lasoo wareegto inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada

WAR BIXIN:- 9 ciyaaryahan oo ay macquul tahay in Red Devils ay lasoo wareegto inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada

Suuqa kala iibsiga bisha January ayaa weli u furan, waxa uuna xirmi doonaa 31 January, oo ay ka harsan tahay kaliya maalmo kooban.

Manchester United ayaana baacsi ugu jirta inay soo xera galiso ciyaaryahano ay u aragto inay dhibaatada ka saari karaan kooxdooda, Waxaana jira laacibiin waa weyn oo uu doonayo in Jose Mourinho uu geeyoTheatre of Dreams ama Masraxa riyada, inta uusan xermin suuqa kala iibsiga……

Hadaba waxaan halkaan idin kugu soo gudbin doonaa 9 ciyaaryahan oo ay macquul tahay inay Red Devils lasoo wareegto.

1)Antoine Griezmann: waa weeraryahanka kooxda Atletico Madrid, waxa ayna u aragtaa inuu yahay bedelka mustaqbalka fog ee Zlatan Ibrahimovic, waxa ayna warar maalmihii lasoo dhaafay ay sheegayeen in laacibka uu kala heshiiyay Man United lacagaha uu mushaar ahaa uu ka qaadan doono, iyo waliba Numberka uu xiran doono, waxaana loo badinayaa inuu xerto NO 7 oo uu Depay baneeyay, kaasoo ku biiray kooxda France ka dhisan ee Lyon.

2)Goncalo Guedes: waa ciyaaryahan daafaca kaga ciyaara kooxda reer Portugal ee Banfica, waxa ayna wararka sheegayanaa inuu ku biiri karo United, waana 20 jir u dhashay qaranka Portugal.

3)Yannick Carrasco: kaliya maahan in Manchester United ay kooxda Atlecito Madrid kaga soo qaadaneyso Griezmann lacag dhan £86million, balse waxaa jira ciyaaryahan kale oo lagu magacaabo Carrasco oo ay dooneyso inay soo qaadato, laacibka heerka caalami ee Qaranka Belgian, ayaa ku jira qaab ciyaareed wanaagsan xilli ciyaareedkan isagoona dhaliyay 6 gool, 18 kulan uu u saftay xilli ciyaareedkan.

4)Nelson Semedo: Jose Mourinho ayaa horay u sheegay in Antonio Valencia uu yahay  daafaca midi gee ugu fiican dunida,  hadana waxa uu xiiseynayaa inuu £34.5m kula soon wareego Semedo, waana daafac u ciyaara kooxda Banfica una dhashay xulka Portugal, United kaliya maahan kooxda xiiseyneysa laacibkan balse waxaa kula loolamay kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich.

5)Gianluigi Donnarumma: wali waxaa jirta xanta ah in David De Gea uu u dhaqaaqi karo kooxda Real Madrid oo xiiso ba’an u qabta gool ilaaliyahan, United ayaana u aragta Donnarumma oo Ac Milan ka tirsan bedelka saxda ah, haddii uu De Gea uu ka tago kooxda, waana kaliya 17-sano jir wacdaro ka dhigaya horyaalka Talyaaniga, waxaana xusid mudan in wakiilka ciyaaryahankan uu yahay Mino Raiola oo kooxda Manchester United kusoo biiray xagaagii hore xiddigaha ay ku faanto hadda ee Zlatan Ibrahimovic, Henrikh Mkhitaryan iyo Paul Pogba, waxaana macquul ah inay wax walba dhacaan.

6)Victor Lindelof: waa xiddig lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqo Old Trafford, waxa uuna u arkaa Jose inuu qalbada dhexe ee daafaciisa inuu ku haboon yahay, maadaama aan leysku haleyn Karin Phil Jones and Marcos Rojo, oo ah laacibiin dhaawacyo u nugul, waana kaliya 22 jir u ciyaara kooxda Banfica iyo qaranka Sweden.

7)Dimitri Payet: wax aka tirsan yahay kooxda Wes Ham, inkastoo si xoogan loo hadal haayo inuu ku wajahan yahay kooxda France ka dhisan ee Marseille, hadana Man United ayaa isku dayi doonta inay lasoo wareegto xiddigan heerka caalami ee xulka France, maadaama ay United-ku haysan ciyaaryahan sida Payet garabka weerarka uga duula.

8)Ivan Perisic: Manchester United ayaa lagu xamanayaa inay soo qaadaneyso Perisic oo lagu qiimeyo £35m, isagoona laacibkaan uu 18 kahor uga soo biiray Inter Milan naadiga Wolfsburg f lacag dhan £14m, waxaa sidoo kale baacsi ugu jira xiddigaan Chelsea iyo Liverpool, waana 27-sano jir, waxaana uuna dhaliyay todobo gool 20 kulan oo Serie A-da ah, xilli ciyaareedkaan.

9)Danny Rose: Manchester ayaa baadi goob ugu jirta inay suuqa kala soo wareegto daafac danbeedka bidix si wanaagsan uga ciyaari kara, Morinho ayaana haatan u arka in Rose uu yahay laacib uu la dhacsan yahay qaab ciyaareedkiisa, United ayaa marka loo eego kooxda Toteenham xiriir wanaagsan kala dhexeeya dhanka kasoo qaadashada ciyaartoyda marka laga hadlayo, waxayna horay uga soo qaadatay xiddigaha kala ah Michael Carrick, iyo Dimitar Berbatov, mana jirto hadda wad aka hor istaageysa in ciyaaryahanka uu ku biiro kooxda Old Trafford ka dhisan ee Manchester United.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/war-bixin-9-ciyaaryahan-oo-ay-macquul-tahay-in-red-devils-ay-lasoo-wareegto-inta-uu-furan-yahay-suuqa-kala-iibsiga-ciyaaryahanada/">WAR BIXIN:- 9 ciyaaryahan oo ay macquul tahay in Red Devils ay lasoo wareegto inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *