<

Home » Horyaalada » Premier League » WAQTIGA NAPOLI: Mino Raiola oo Cadeeyay In Zlatan Ibrahimovic Katagayo Man Utd Kuna Biirayo Napoli

WAQTIGA NAPOLI: Mino Raiola oo Cadeeyay In Zlatan Ibrahimovic Katagayo Man Utd Kuna Biirayo Napoli

Mino Raiola ayaa si cajiib ah u sheegay in Zlatan Ibrahimovic uu ka tagi karo Manchester United kuna biiri karo kooxda Napoli.

xiddiga Sweden ayaa dhaliyay 19 gool tartamada oo dhan tan iyo markii uu u wareegay kooxda Jose Mourinho oo beeca xorta ah kaga qaadatay PSG xagaagii lasoo dhaafay.

United ayaa dooneysa inay hal sano oo dheeraad ah ku darto heshiiska Ibrahimovic, laakiin Raiola ayaa aaminsan in ciyaaryahanka uu wakiilka ka yahay laga yaabaa inuu ka tago Old Trafford kuna biiro kooxda Napoli.

wakiilka caalamiga ah ayaa u sheegay Radio CRC: “Sida Ibrahimovic, uu had iyo jeer kaga warqabo jacayl magaalada Naples iyo dareenka asxaabtiisii gaar ah ee halkaas ku leeyahay.

“Waxaan mar walba ogsoonahay in Ibrahimovic uu yahay xididg doonaya inuu maalin maalmaha ka mid ah ka ciyaaro kooxda Napoli ayuu yiri wakiilka ciyaaryahankaan Mino Raiola.

Wuxuu ogyahay jacaylka asxaabtiisa ay u qabaan in ay ku arkaan magalaada quruxda badan ee Napoli ayuu yiri wakiilkaan.

“Waan ogahay in De Laurentiis iyo Zlatan ay leeyihiin xiriir fiican ayuu sidookale yiri Mino Raiola.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/waqtiga-napoli-mino-raiola-oo-cadeeyay-in-zlatan-ibrahimovic-katagayo-man-utd-kuna-biirayo-napoli/">WAQTIGA NAPOLI: Mino Raiola oo Cadeeyay In Zlatan Ibrahimovic Katagayo Man Utd Kuna Biirayo Napoli</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *