<

Home » Horyaalada » Serie A » Wakiilka Ciyaaryahanka khadka dhexe Juventus ee Hernanes oo sheegay inuu xiddigan ka tagi doono kooxdiisa, waase tuma kooxda uu sheegay inuu ku biiri karo laacibkan

Wakiilka Ciyaaryahanka khadka dhexe Juventus ee Hernanes oo sheegay inuu xiddigan ka tagi doono kooxdiisa, waase tuma kooxda uu sheegay inuu ku biiri karo laacibkan

Wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Juventus Hernanes ayaa qiray in ciyaaryahanka reer Brazil laga yaabo inuu ku biiro Hebei Fortune oo Shiinaha ka dhisan, haddii ay heshiis sax ah ay la gaarto.

Xididga khadka dhexe ee Juventus Hernanes ayey u badan tahay inuu u dhaqaaqo Shiinaha, laakiin wakiilkiisa ayaa beeniyay in ilaa iyo hadda uusan heshiis dhicin.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ku dhibtooday in badan xilli ciyaareedkan, inuu samayn ku yeesho kulamada ay ciyaareyso kooxdiisa, isagoona kaliya kasoo muuqday,  sideed kulan oo Serie A-da ah kooxda hogaamineysa Horyaalka Italy.

Kooxda reer China ee Hebei Fortune, ayey macquul tahay inuu ku biiro laacibkan, sida uu sheegay wakiilkiisa oo lagu magacaabo Joseph Lee, isagoona carabka ku adkeeyay inuu Hernanes uu faarujin doono garoonka The Odl Ledy ay ku ciyaarto.

“Ma aqaano waxa ka dhex dhibic labada kooxood, laakiin xilligaan la joogo waxaan dhihi karaa, wax heshiis ah kama heysano, Hebei Fortune” ayuu u sheegay Corriere dello Sport, wakiilka Hernanes Joseph Lee.

“Waxa ugu muhiimsan waa in uu ciyaaro Hernanes, haddii ay ahaan leheed Juve, China ama meel kale. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa raaciyay Joseph Lee.

“Xaqiiqda ayaa ah in xiddigan laga saaray liiska Champions League waana arrin aan wanaagsaneyn”.

“Haddii Juventus ay heshiis la gaaraan kooxda Chinese-ka ah, waa xaalad inoo wanaagsan, markaas Hernanes waxaa laga yaabaa inuu dhaqaaqdo.”

Haddii uu dhaqaaqo, Hernanes waxa uu kula biiri doonaa kooxda  ciyaaryahanada Ezequiel Lavezzi iyo Gervinho oo hadda u ciyaara Hebei Fortune.

Kooxdan waxaa macalin u ah tababarihii hore ee Manchester City Manuel Pellegrini, oo ku biiray xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay Chinese Super League.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wakiilka-ciyaaryahanka-khadka-dhexe-juventus-ee-hernanes-oo-sheegay-inuu-xiddigan-ka-tagi-doono-kooxdiisa-waase-tuma-kooxda-uu-sheegay-inuu-ku-biiri-karo-laacibkan/">Wakiilka Ciyaaryahanka khadka dhexe Juventus ee Hernanes oo sheegay inuu xiddigan ka tagi doono kooxdiisa, waase tuma kooxda uu sheegay inuu ku biiri karo laacibkan</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *