<

Home » Horyaalada » Serie A » Wakiil Mino Raiola oo ka hadlay Mustaqbalka Goolhaye Donnarumma, Balotelli & Zlatan Ibrahimovic

Wakiil Mino Raiola oo ka hadlay Mustaqbalka Goolhaye Donnarumma, Balotelli & Zlatan Ibrahimovic

Wakiilka Mino Raiola ayaa ka hadlay mustaqbalka goolhayaha AC Milan Gianluigi Donnarumma isagoo sheegay in waligood aysan koox la hadlin.

17-jirkaan ayaanan ilaa haatan kooxdiisa usaxiixin heshiis cusub, waxaase si weyn looga donayaa suuqa kala iibsiga gaar ahaan Chelsea, Man United iyo Real Madrid

“Milan waa koox weyn, kooxo yar ayaana sameeyay waxi ay Rossoneri sameysay 25kii sano ee lasoo dhaafay,” Raiola ayaa sidaas usheegay Radio Crc.

“Wax badan kama hadlayo Donnarumma, maxaa yeelay canuga yar waxaa uu ubaahan yahay in boos la siiyo,, waxaa uu ku sugan yahay Milan oo waxaa udhiman heshiis hal sano iyo bar ah, kalamana hadlin xaaladiisa xataa hal koox, hadii ay koox soo dalbato waxaa qasab ah iney weydiistaan Milan”ayuu yiri wakiilka goolhayahan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu wakiil Raiola yiri “waxaan wada go’aansanay aniga iyo agaasimaha kooxda Adriano Galliani inaanan ka hadlin xaalada Donnarumma mar danbe, waxaana uu mustaqbal wanaagsan ku haystaa kooxdan si uu ukoro”

“Ma dooneyno inaan sameyno qalad lamid ah kuwii ku dhacay da’yartii kasoo baxay Italy, waxaana ka fogaan doonaa erayo walba oo ku saabsan mustaqbalkiisa”

Raiola ayaa sidoo kale wakiil u ah xidigaha kala ah Mario Balotelli iyo Zlatan Ibrahimovic, idaacada wareysatay oo laga leeyahay Napoli ayaase weydiisay hadii ay wiilashaas Napoli kusoo biiri karaan.

“Mario waxaa uu ku wanaagsan yahay Nice maxaa yeelay waxaa uu doonayaa inuu aduunka umuujiyo qofka uu yahay, waxaana uu doonayaa inuu aad ushaqeeyo”.

“Waxaa jiray koxoo badan oo China iyo Yurub ah oo doonayay saxiixisa, laakiin waxaan ubaahanahay bilooyin si aan uhubino mustaqbalka Balotelli”ayuu yiri Raiola.

“Arinta Ibrahimovic, “waa uu ogsoon yahay sida uu yahay jaceylka dadka Napoli, waana meel soo jiidasho leh, laakiin Zlatan waligiis ma ogaan karo waxa dhici doona.”

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/wakiil-mino-raiola-oo-ka-hadlay-mustaqbalka-goolhaye-donnarumma-balotelli-zlatan-ibrahimovic/">Wakiil Mino Raiola oo ka hadlay Mustaqbalka Goolhaye Donnarumma, Balotelli & Zlatan Ibrahimovic</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *