<

Home » Suuqa Kala Iibsiga » Waa kuwee 10-kii saxiix ee ugu waa weynaa ee dhacay intii uu furaan suuqa kala iibsiga bishii Janaayo oo xalay soo xirmay

Waa kuwee 10-kii saxiix ee ugu waa weynaa ee dhacay intii uu furaan suuqa kala iibsiga bishii Janaayo oo xalay soo xirmay

Waxaan idiin soo gudbin doonaa 10-kii saxiix ee ugu waa weynaa ee dhacay intii lagu guda jiray, suuqii kala iibsiga ciyaaryahanada qaarada yurub, oo xalay saqdii dhexe albaabadiisu xirmeen.

Waxaan soo qaadan doonaa ciyaaryahanada kooxihii ay aadeen, iyo waliba sidii ay ku baxeen, sida uu Goal.com daabacayo.

1)Demba Ba: From Shanghai Shenhua To Basiktas_ Amaah.

Xiddigii hore ee Chelsea ayaa aaday horyaalka Shiinaha, isagoona halkaas kasoo xamaashay ilaa sideed bilood, balse waxa uu dib ugu soo laabtay kooxdiisii hore ee Basikta isagoona si amaah ah ugu ciyaari doona.

2)Moran Scheniderlin From Manchester United To Evertoon_ La iibsaday.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee qaranka France ayaa ku dhibaatooday inuu boos ka helo United, isagoona garoonka Goodison Park kula midoobay macalinkiisii hore ee Southampton Ronal Koeman.

3)Gabriel Jesus: From Palmaries To Manchester City_ La iibsaday.

Laacibka heerka caalami ee qaranka Brazil ayaa lacago waali ah ugu soo biiray kooxda Pep Guardiola.

4) Jose Fonte: From Southampton To West Ham_ La iibsaday.

West Ham ayaa lumisay ciyaaryahankoodii Dimitri Payet, laakiin waxa ay soo qaadatay Fonte, oo ay damacsan tahay inuu ku xoojiyo daafaciisa.

5)Dimitri Payet: From West Ham To Marseille_ La iibsaday.

Payet ayaa ku laabtay dalkiisa, isagoona kooxda reer France kula wehliya Patrice Evra, oo naadigaan horay ugu biiray.

6)Yunus Malli: From Mainz To Welfsburg_ La iibsaday.

Malli ayaa ku biiray kooxda Welfsburg, kadib markii ay kooxda iska iibisay Julian Draxler oo ku aaday PSG.

7)Leon Bailly: From Genk To Bayer Leverkusen_ La iibsaday.

Manchester United iyo Liverpool ayaa  indhaha ku hayay inay soo qaataan xidiiga heerka caalami ee xulka Jamaica, waxaana ugu danbeyn uu ku biiray naadiga Bundesliga ka dhisan ee Leverkusen.

8) Jese Rodriguez: From PSG TO Las palmas_ Amaah. Ciyaaryahankii hore ee kooxda Real Madrid, ayaa ku dhibaatooday horyaalka France, balse waxa uu kusoo laabtay horyaalka dalkiisa hooyo ee Spain, waxa uuna inta ka dhiman xilli ciyaareedkan uu amaah kula joogi doonaa Las Palmas.

9)Steven Jovetic: From Inter To Sevilla_ Amaah.

Jovetic, ayaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan waxa uu amaah kula joogayaa Sevilla, isagoona dhaliyay seddex gool, mid kalana uu caawiyey afartiisii kulan ee ugu horeysay, oo ay ku jirto goolkii guusha uu u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay Real Madrid ka baadiyeen.

10)Mamphis Depay: From Manchester United To Lyony_ La iibsad.

Wiilka reer Holland ayaa niyad jab weyn ka qaaday Old Trafford, waxa uuna isaga tagay naadigiisa isagoona ku biiray Ligue 1 France kooxda ciyaarta ee Lyon, waxa uuna rajo ka muujiyay inuu qaab ciyaareedkiisii wacnaa uu dib u heli karo sanadaha uu ku sugan yahay kooxdiisa cusub ee Lyon.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/waa-kuwee-10-kii-saxiix-ee-ugu-waa-weynaa-ee-dhacay-intii-uu-furaan-suuqa-kala-iibsiga-bishii-janaayo-oo-xalay-soo-xirmay/">Waa kuwee 10-kii saxiix ee ugu waa weynaa ee dhacay intii uu furaan suuqa kala iibsiga bishii Janaayo oo xalay soo xirmay</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *