<

Home » Horyaalada » Premier League » WAA BEEN: Arsene Wenger oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Granit Xhaka Cunsuriyad Ka Geystay Garoonka Diyaaradaha London

WAA BEEN: Arsene Wenger oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Granit Xhaka Cunsuriyad Ka Geystay Garoonka Diyaaradaha London

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Granit Xhaka gebi ahaanba uusan aheyn ciyaaryahan ku dhaqma cunsuriyada kadib markii lagu eedeeyay inuu cunsurinimo ku aflagaadeeyay xubin karirsan shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Heathrow isniintii.

Xhaka, oo 24 jir ah, ayaa waxaa wareystay booliska ka dib markii lagu eedeeyay inuu cunsurinimo kula kacay xubin kamid ah shaqaalaha garoonka oo u diiday walaalkiis inuu galo garoonka diyaaradaha dib markii uu kusoo daahay waqtigii loogu talo galay.

Dhacdadan ayaa timid 24 saacadood ka dib markii Xhaka loo tagay casaan intii lagu jiray kulankii Arsenal ay 2-1 uga badisay kooxda Burnley.

Shabakada Goal ayaa ogaatay in ninka heerka caalami ee dalka Switzerland uu isticticmaalay erayo cunsurinimo markii uu ku sugnaa Heathrow Terminal 5.

“Waxaan kala hadlay isaga wax ku saabsan arimahaas wuuna beeniyay dhacdada gebi ahaanba,” ayuu Wenger ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka sabtida FA Cup ay ku wajahayaan kooxda Southampton.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/waa-been-arsene-wenger-oo-beeniyay-wararka-sheegaya-in-granit-xhaka-cunsuriyad-ka-geystay-garoonka-diyaaradaha-london/">WAA BEEN: Arsene Wenger oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Granit Xhaka Cunsuriyad Ka Geystay Garoonka Diyaaradaha London</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *