<

Home » Horyaalada » La Liga Spain » UPDATE: Barcelona oo ku garaacday Chelsea Saxiixa Xiddiga Bayern Munich Arturo Vidal- Imise ayuu ku imaanayaa Camp Nou?

UPDATE: Barcelona oo ku garaacday Chelsea Saxiixa Xiddiga Bayern Munich Arturo Vidal- Imise ayuu ku imaanayaa Camp Nou?

Chelsea ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Chile Arturo Vidal, laakiin wararka ugu dambeeyay ee lagu daabacay Don Balon ayaa sheegaya in xiddigii hore ee Juventus qalbigiisa yahay inuu u dhaqaaqo kooxda Barcelona xagaagan.

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte oo kusoo maamulay Vidal kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhaadhicanayo ciyaaryahanka inuu usoo dhaqaaqo Stamford Bridge.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda Rakitic oo aan wali saldhigan garoonka Camp Nou,ayaa ku qasbi karta Barcelona in ay u dhaqaaqdo laacibka Chile si uu unoqdo bedelkiisa.

Bayern Munich ayaa hadda heysata ciyaartooy badan oo khadka dhaxe ah sida Thiago , Javi Martinez iyo Renato Sanches kuwaasoo dhamaan booska kula dagaalamaya ninka reer Chile.

Renato Sanches, ayaa soo jiitay farsamo ahaan tababaraha kooxda Munich Carlo Ancelotti waxaana uu doonayaa inuu siiyo fursad da’yarkaan kasoo jeeda Portugal.

Iyadoo Vidal shaki la’aan yahay mid kamid ah ciyaartoyda khadka dhexe ugu fiican xerada loo yaqaano box-to-box haddana waxaa laga yaabaa dalab  £ 45 million inuu ugu dhaqaaqo kooxda ka dhisan Spain ee Barcelona.

 

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/update-barcelona-oo-ku-garaacday-chelsea-saxiixa-xiddiga-bayern-munich-arturo-vidal-imise-ayuu-ku-imaanayaa-camp-nou/">UPDATE: Barcelona oo ku garaacday Chelsea Saxiixa Xiddiga Bayern Munich Arturo Vidal- Imise ayuu ku imaanayaa Camp Nou?</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *