<

Home » Horyaalada » Premier League » Ugu Dambeyn Mustaqbalka Branislav Ivanovic ee Stamford Bridge oo soo Dhamaaday & Antonio Conte oo Cadeeyay Halka uu u dhaqaaqayo Daafacaan

Ugu Dambeyn Mustaqbalka Branislav Ivanovic ee Stamford Bridge oo soo Dhamaaday & Antonio Conte oo Cadeeyay Halka uu u dhaqaaqayo Daafacaan

Antonio Conte ayaa qiray inuusan hubin in Branislav Ivanovic uu sii joogi doono kooxda Chelsea.

Ivanovic ayaa ku dhaw inuu ugu biiro kooxda Zenit St Petersburg heshiis laba sanno iyo bar ah oo ku kacaya £ 80,000 toddobaadkii.

Daafaca reer Serbia ayaa boos ka waayay Stamford Bridge tan iyo markii uu soo gaaray Conte oo isticmaala shaxda 3-4-3.

32-sano jirkaan ayaa heshiiskiisa Blues uu dhacayaa xagaagan – waxaana sidoo kale lala xiriiriyay kooxaha Premier League ee Everton, Leicester iyo West Ham.

Markii la weydiiyay waxa ay tahay fursadaha Ivanovic, oo Lokomotiv Moscow kaga soo biiray Chelsea sanadkii 2008, Conte ayaa yiri: “Anigu garan maayo.

“Bishan ayaa daaqada furan tahay waxaa macquul ah inuu baxo, waayo wuxuu heystaa dalabyo badan ayuu hadalkiisa ku daray.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/ugu-dambeyn-mustaqbalka-branislav-ivanovic-ee-stamford-bridge-oo-soo-dhamaaday-antonio-conte-oo-cadeeyay-halka-uu-u-dhaqaaqayo-daafacaan/">Ugu Dambeyn Mustaqbalka Branislav Ivanovic ee Stamford Bridge oo soo Dhamaaday & Antonio Conte oo Cadeeyay Halka uu u dhaqaaqayo Daafacaan</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *