<

Home » Horyaalada » Premier League » TopNews: Rues, Griezmann iyo Xidigaha kale ee Daqiiqada ugu danbeysa ku biiri kara kooxaha Arsenal, Chelsea, Man United, Liverpool & City

TopNews: Rues, Griezmann iyo Xidigaha kale ee Daqiiqada ugu danbeysa ku biiri kara kooxaha Arsenal, Chelsea, Man United, Liverpool & City

Suuqa Kala Iibsiga Bisha January ayaa sii galaya daqiiqadihii ugu danbeeyay, kooxaha ayaase umuuqda iney sugayaan ilaa daqiiqada ugu danbeysa si ay saxiixyo cusub usameeyaan.

Habeen danbe ayaa la sugayaa in dhamaan lasoo xiro suuqa kala iibsiga, si kastaba, Wargeyska Daily Mirror ayaa warbixin ka diyaariyay xidigaha ay kooxaha iibsan karaan:

ARSENAL

Iney heshiis xili danbe ah la gaaraan Marco Reus ama Antoine Griezmann, waxaa ay noqon doontaa saxiix aan la hilmaami doonin, inkastoo tababare Wenger uu sidoo kale ku fakarayo inuu ku kalsoonaado weerarkiisa kadib soo laabashadii  Welcbeck.

dortmunds-midfielder-marco-reus-celebra

CHELSEA

Goolhayaha Celtic Gordon ayaa ah bartilmaameedka kooxda Chelsea waase hadii Begovic ay ka iibiyaan kooxda Bournemouth. wararka xanta ah ayaa sidoo kale sheegaya iney macquul tahay in Chelsea ay sidoo kale isha ku hayso iney lasoo saxiixato weeraryahanka Swansea Fernando Llorente.

LIVERPOOL

Virgil van Dijk ayaa garoomada ka maqnaan doona sidaas darteed tababare Klopp ayaanan wax dalab xili danbe ah ka gubdin doonin daafacan  Southampton, laakiin waxaa suura gal ah inuu sugo ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan.

MANCHESTER CITY

Van Dijk, Griezmann iyo tiro kale oo ciyaaryahano ah ayay sugi doonaan ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan, hase ahaatee  Guardiola ayaa laga yaabaa inuu si deg deg ah ula soo saxiixdo goolhaye cusub xili Claudio Bravo uu aad kooxdaas ugu dhibtoonayo.

MANCHESTER UNITED

Tababare Mourinho ayaanan jecleyn saxiixyo xiligan qaboobaha ah Lindelof iyo qadka dhexe ee Monaco Tiemoue Bakayoko ayaase laga yaabaa iney saxiixyo la yaab leh unoqdaan Old Trafford, laakiin  Griezmann oo ah dooqa koobaad ayaase ay sugi doonaan ilaa kuleylaha danbe.

athletic-club-v-club-atletico-de-madrid-la-liga

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/topnews-rues-griezmann-iyo-xidigaha-kale-ee-daqiiqada-ugu-danbeysa-ku-biiri-kara-kooxaha-arsenal-chelsea-man-united-liverpool-city/">TopNews: Rues, Griezmann iyo Xidigaha kale ee Daqiiqada ugu danbeysa ku biiri kara kooxaha Arsenal, Chelsea, Man United, Liverpool & City</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *