<

Home » Horyaalada » Premier League » TopNews: Kahor Chelsea Vs Arsenal: Eden Hazard oo soo bandhigay Halka uu ka jilicsan yahay Marka uu garoonka ku jiro!

TopNews: Kahor Chelsea Vs Arsenal: Eden Hazard oo soo bandhigay Halka uu ka jilicsan yahay Marka uu garoonka ku jiro!

Weeraryahanka kooxda Chelsea Eden Hazard ayaa shaaca ka qaaday inuu daciifnimo dareemo marka uu weerarka ku yahay goosha Arsenal.

Naadiga dhar baluuga ayaa sabtida kusoo dhaweyn doonta garoonkeeda naadiga Arsenal, tababare Arsene Wenger ayaana isha ku haya inuu ciyaaryahanadiisa kula dar daarmo iney iska ilaaliyaan halista Hazard.

Wareysi uu siiyay Sky Sports ayaa Hazard waxaa uu yiri  ‘aniga ahaan waa ay ii fududahay inaan kubada kala soo galo dhanka midig, waxaana arkaa Costa, waxaana markaas haystaa xal kala duwan,’ .

LIVERPOOL, ENGLAND - JANUARY 31:  Eden Hazard of Chelsea in action during the Premier League match between Liverpool and Chelsea at Anfield on January 31, 2017 in Liverpool, England.  (Photo by Clive Mason/Getty Images)

‘Waxaan kubada uqataa si kalinimo ah ama waxaan ubaasaa Diego ama qadka dhexe ayaan uceliyaa, hadii aan dhanka bidix aado inaan lugta bidix kusoo karooso waa ay ugu adag tahay.’ayuu yiri Hazard.

Kooxda Chelsea ayaa hadii ay badiso kulanka Stamford Bridge waxaa ay kusii dhawaan doontaa iney xili hore quusiso kooxaha kula loolamaya horyaalka

Waxqabadkii Hazard ee horyaalka xili ciyaareedkan

Kulamada: 22

Guuleystay: 17

Goolasha: 9

Goolasha uu ku dhaliyay lugta bidix: 2

Goolasha uu ku dhaliyay lugta midig : 7

Caawinaadii uu sameeyay: 3

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/topnews-kahor-chelsea-vs-arsenal-eden-hazard-oo-soo-bandhigay-halka-uu-ka-jilicsan-yahay-marka-uu-garoonka-ku-jiro/">TopNews: Kahor Chelsea Vs Arsenal: Eden Hazard oo soo bandhigay Halka uu ka jilicsan yahay Marka uu garoonka ku jiro!</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *