<

Home » Horyaalada » Premier League » Top: Tababare Jose Mourinho oo Liiska ciyaaryahanada Europa League dib ugu daraya Schweinsteiger

Top: Tababare Jose Mourinho oo Liiska ciyaaryahanada Europa League dib ugu daraya Schweinsteiger

Tababare Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu dib ugu yeero Bastian Schweinsteiger si uu ugu mid noqdo liiska kooxda Man United ee Europa League

Qadka dhexe ee qaranka German ayaa kusoo laabtay tababarka buuxa ee United inkastoo uusan wali fursad weyn ka helin kooxda  Old Trafford ka dhisan

Waxaa xili hore laga reebay liiskii kooxda Man United ee wareegii Group-yada tartanka  European League laakiin 32 jirkaan ayaa la filayaa inuu kusoo baxo liiska cusub ee United inkastoo la filayo inuu keyd ka ahaado kulanka United ay maanta la ciyaareyso Wigan ee FA Cup-ka.

mourinho-schweinsteiger-large_trans_nvbqzqnjv4bqqvzuuqpflyliwib6ntmjwfsvwez_ven7c6bhu2jjnt8

Mourinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri: Bastian waxaa uu jogayaa Manchester marka caadi ahaan wuu ku jirayaa lisikeena, xataa dabcan tartanka Yurub wuu ku jirayaa.”

Schweinsteiger ayaa dib loogu yeeray xili qadkii dhexe ee kooxda United Sean Goss uu lacag dhan £500,000 ugu biiray naasiga QPR.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/top-tababare-jose-mourinho-oo-liiska-ciyaaryahanada-europa-league-dib-ugu-daraya-schweinsteiger/">Top: Tababare Jose Mourinho oo Liiska ciyaaryahanada Europa League dib ugu daraya Schweinsteiger</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *