<

Home » Horyaalada » Premier League » XAQIIJIN: Tababare Jose Mourinho oo xaqiijiyay in Schweinsteiger uu joogi doono Man United, kana mid yahay Liiskiisa Tartanka Yurub

XAQIIJIN: Tababare Jose Mourinho oo xaqiijiyay in Schweinsteiger uu joogi doono Man United, kana mid yahay Liiskiisa Tartanka Yurub

Tababare JOSE MOURINHO ayaa xaqiijiyay in Bastian Schweinsteiger uusan kooxda ka tagi doonin bishan January.

Qadka dhexe ee German ayaa kulankisiii ugu horeeyay usaftay kooxda Man United, isagoo shabaqa kasoo taabtay Wigan  oo ay 4-0 kaga badiyeen.

Wiilkan kusoo guuleystay koobka aduunka ayaanan ku jirin shaxdii United ee horyaalka laakiin waxaa uu sii joogi doonaa ilaa dhamaadka xili ciyaareedkan.

Mourinho ayaa yiri : Haa, waa uu joogayaa, waxaa uu sidoo kale ku jiri doonaa liiska Europa League, maxaa yeelay waxaa inoo fursan boosaskii ay baneeyeen Depay iyo Schneiderlin, fursado badana kama haysano qadka dhexe”.

“90 daqiiqo oo maanta ah waxaa ay caadi aheyn isaga ku aheyd mid adag, laga soo bilaabo ilaa 65 daqiiqo waa ay ku adkeyd, laakiin haatan waa uu faraxsan yahay.”ayuu hadalkiisa ku daray Mourinho.

33 jirkaan ayaa kaliya hal kulan keydka kasoo galay tartanka League Cup-ka xili ciyaareedkan, waxaana xidigii hore ee Bayern Munich la filayaa inuu fursad ka helo kooxda.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/tababare-jose-mourinho-oo-xaqiijiyay-in-schweinsteiger-uu-joogi-doono-man-united-kana-mid-yahay-liiskiisa-tartanka-yurub/">XAQIIJIN: Tababare Jose Mourinho oo xaqiijiyay in Schweinsteiger uu joogi doono Man United, kana mid yahay Liiskiisa Tartanka Yurub</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *