<

Home » Horyaalada » Premier League » Tababare Antonio Conte & Diego Costa oo War kasoo saaray Warar sheegaya in Xidigan uu ku biirayo China

Tababare Antonio Conte & Diego Costa oo War kasoo saaray Warar sheegaya in Xidigan uu ku biirayo China

Tababaraha Chelsea iyo weeraryahanka Diego Costa ayaa si isku mid ah uga jawaabay wararka sheegaya in xidiga reer Spain uu heshiis la gaaray koox China ka dhisan

28-jirkaan ayaa idaacad kutaal Spain ay sheegtay inuu ogolaaday in marka uu dhamaado xili ciyaareedkan  uu ku biirayo China.

Laakiin  Costa ayaa bogiisa Instagram-ka kusoo qoray warbixin caro leh: “Waxaa ay ka hadlayaan si badan, s***!!! Come on Chelsea.”

Sidoo kale tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa ka hadlay wararka sheegaya in xidigan uu ku biirayo horyaalka China waxaana uu yiri “waxba kama ogi, laakiin todobaad walba waxaan maqlaa warar aad ubadan, iyo arimo xan ah oo ku saabsan Diego”.

“Waxaa ay ila tahay waxa ugu muhiimsan ee haatan iney tahay inaan diirada saarno horyaalka oo aan boos wanaagsan kaga jirno, Diego waxaa uu inoo yahay xiidg muhiim ah, waana uu faraxsan yahay taas ayaana ah waxa ugu muhiimsan, xagaaga wax badan ayaana ka dhiman.”ayuu yiri Conte

Costa ayaa haatan ah ciyaaryahanka hogaaminaya gooldhalinta horyaalka Ingiriiska waxaana ay isku goolal yihiin weeraryahanka  Arsenal Alexis Sanchez, labada ciyaaryahan oo sabtida iska hor imaanaya ayaana dhaliyay min 15 gool.

Link to this post:

<a href="http://www.laacibiin.net/wararka/tababare-antonio-conte-diego-costa-oo-war-kasoo-saaray-warar-sheegaya-in-xidigan-uu-ku-biirayo-china/">Tababare Antonio Conte & Diego Costa oo War kasoo saaray Warar sheegaya in Xidigan uu ku biirayo China</a>

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *